Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Tarkish Airways Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Joojisay Duulimaadyadi Mogdisho

Wednesday - Feb 10, 2016

Shirkadda Turkish Airways, ayaa si kooban kaga hadashay baahida keentay inay joojiso duulimaadyadii ay ku taggi jirtay Magaalada Muqdisho Somaliya.

Qoraal ay soo saartay Turkish Airways, ayaa waxaa lagu sheegay in duulimaad-yadoodii Magaalada Muqdisho loo joojiyay cimilada oo xumeyd oo keliya.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa Afhayeen u hadlay diyaaradda Turkiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Yahya Ustun, ayaa muujiyay in duulimaad-yadoodii Garoonka Aadan Cadde la hakiyay, ka hor dhacdadii Daallo Airlines.

Afhayeenka, ayaan kala cadayn Turkish Airways inay ka war heshay khatar xagga ammaanka ah iyo in kale, marka laga soo taggo inay ogeyd hawada oo xumeyd.

Yahya Ustun, ayaan xitaa soo hadalqaadin ninkii isku qarxiyay diyaaradda Daallo, oo haystay tickit uu ku raaci lahaa Turkish Airways.

Rakaabkii ay Daallo Airlines ka qaaday Magaalada Muqdisho, ayaa dhammaantood haystay tikidhada Turkish Airways, wuxuuna qorshuhu ahaa inay rakaabka gaarsiiso Magaalada Djibouti, si Turkish Airways ay halkaasi kaga sii qaado.

Maamulka Shirkadda Daallo Airlines, ayaa Turkish Airways ku eedeeyay inay ku qimeysay rakaabkoodii, ayna u muuqatay mid wax ka ogeyd qaraxa.

Si kastaba ha-ahaatee ma cadda in Turkish Airways ay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii Magaalada Muqdisho iyo in kale, ka dib dhacdadii Daallo.