Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Kaptankii Duuliyaha Diyaarada Daalla Vlatko Vodopivec Oo War Laga Naxo Soo Kordhiyey

Tuesday - Feb 9, 2016



Capt. Vlatko Vodopivec, oo ah duuliyihii Diyaarada Daallo ayaa wali ku howlan bixinta macluumaadka ku saabsan Qaraxii ka dhex dhacay Diyaarada .. Vlatko Vodopivec waxa uu sheegay in goortii uu Qaraxa dhacay kuna mashquulsanaa dib usoo celinta Rakaabka lagu amray inuu xirto baarshuudka, islamarkaana uu isaga dego diyaarada.

Vlatko Vodopivec, waxa uu tilmaamay in isaga iyo maamulka shirkada ay muddo badan doodayeen isagoo sheegay inuu ku adkeystay in Rakaabka uu badbaadiyo islamarkaana uu dib ugu celinaayo Garoonka Aadan Cadde.

Vlatko Vodopivec, oo sii wada bixinta xogtiisa ayaa waxa uu intaa ku daray in maamulka shirkada ay u sheegen in naftiisa ay ka muhiimsan tahay nafafka kale ee rakaabka, isaga uu ku celcelshay inuu dhowrayo bani’aadanimada uusan ka degi doonin diyaarada oo uu dhibka la qeybsanaayo dadka la socda diyaarada.

Nasiib darada ugu badan ayuu Mr Vlatko Vodopivec ku sheegay inay tahay sababta ay Soomaalida isaga nixi la’dahay, waxa uuna carab dhabay in Nafta Shacbiga Soomaaliyeed aysan ku fadhin wax qiimo ah.

Mar uu u waramaayay Wargeys kasoo baxa dalka Farance ayuu yiri ”Anigu aad baan uga walaacay goortii maamulka shirkadu igu amreen inaan ka dhex baxo diyaarada oo aan xirto baarshuudka, waxaa nasiib darro ii noqotay in kaliya nafteyda aan ka fakaro oo aan dayaco nafta 74 ruux oo rakaab ah”

”Maamulka mas’uuliyada rakaabka wuu dayacay waayo waxa ay isku dayeen in aniga oo kaliya ay i badbaadiyaan”

Mr Vlatko Vodopivec, waxa uu Hay’adaha amaanka ugu baaqay inay baaritaanka ku daraan shirkada Turkish Airlines.

Dhanka kale,waxa uu cadeeyay inuu aaminsan yahay in danbiga ugu badan ay leedahay Turkish Airlines, waa haddii Somalia ay ka jirto cadaalad.