Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ninkii Daallo isku Qarxiyey Oo Markii Hore Qorshahiisu Ahaa Inu Turkish Airways Isu Qarxiyo

Monday - Feb 8, 2016

Ninka la tuhusanyahay inuu ahaa ruuxii isku qarxiyay Duulimaadkii Diyaarada Daalo Airline ee Muqdisho ka baxday kuna sii jeeday wadanka Jabuuti ayaa la sheegay in ujeedkiisa uu ahaa inuu raaco Diyaarada Turkish Airline, sidaa waxaa sheegay madaxa ugu sareeya Daalo Airline Maxamad Ibraahim Colaad oo la hadlay Aljazeera.

Qaraxa ka dhaxdhaxay diyaarada Daalo airline ayaa duleel 1-meter lagu qiyaasay ka dhaxsameeyay qeyb ahaan diyaarada Dallo Airline maalintii Talaadada ahayd  isbuucii hore.

Ninka is qarxiyay oo da’diisa lagu sheegay 74 sano jir ayaa horay inta uusan Daallo u raacinin waxa uu iska qoray Duulimaadka Diyaarada Turkish Airline oo isbuucii 3 jeer timaada kana dhoofta Garoonka Muqdisho.

Mohamed Ibrahim Yasin Olad, maamulaha Daallo Airline ayaa yiri " Dadka aynu qaadnay ee saarnaa Diyaarada Xiliga la qarxinaye ma ahayn rakaabkeena. Shirkada Turkiga ayaa Joojisay Duulimaadkeedii Muqdisho sabab ay inoogu sheegeen Hawada oo aad u xun.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray maamulaha Daalo airline in shirkada Turkigu ay ka codsatay in dadka saarnaa diyaarada Daallo airline xiliga uu qaraxu uu dhacaye inay Jabuuti keento madama Turkish airline ay muqdisho imaan waysay sababo jira owgood.

Saraakiisha dowlada Soomaaliyaa ayaa sheegay in ka badan 20 ruux oo la tuhunsanyahay inay ku lugleeyihiin Qaraxii Diyaarada Dallo Airline lagu hayo Xabsi ku yaala muqdisho baaritaana wali uu socdo.