Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Mawliidka Waa Banaan-yahay .. Ninki Dhalashada Caleyhi Salaatu-Laahi Jecloow Ku Dhawaaq Digriga Iyo Akhriga Siirada .. Ha Ku Toose Mooge Oo Ninki Diidan Ha Suuxe

Thursday - November 7, 2019


Nabiga SCW waxuu ku dhashay Makkah al-Mukarama maalin isnin ah, sagaalki ama laba iyo tobankii biisha Rabiccul-awal amase sanadki Maroodiga ee Ee u doonaayey Abraha inu dumiyo Baytka ilaahay SWT ee kacabada .. hooyadiis oo ahayd Aamino Bint Wahab intey xaamilada ahayed sahal iyo fudeyd ayaa alle uga dhiigay, waxayse haatuf ku bishaareyn ah ku maqashay iney sido saydki ummadaan .. markay umushay waxaa cargi qabsaday nuur iftiinshay Mashriq iyo Maqrib .. Nabi Maxamed SCW inkasto u ku dhashay dhul jawigiisa aha fusuq iyo fasaad, haddana saas oo ay tahay nabi maxamed SCW marna caadooyinkaa xun xun uma dhaqaaqin.

ilaahay SWT waxuu Nabi Maxamed SCW abuuray abuur aad u wanaagsan waxuu siiyey akhlaaq dhameystiran oo usan siin asaga mooye qof kale, waxuu ahaa mid dadko dhan ugu nasab wanaagsan uguna karaamo badan .. Nabi Maxamed SCW waxuu lahaa akhlaaq iyo abuur u kaga horeeyey dadkii da'diisa ahaa .. waxuu ahaa dad midka ugu caqli badnaa ugu run badnaa, ila ay naaneystiisa noqotay al-amiin.

Nabi Maxamed SCW Waxuu ahaa mid aad u sama fal badan oo ixsaan sameeya, waxuu xiriirin jiray Riximka waxuu u gargaari jiray qofka dhiban, waxuu wax siin jiray qofka aan waxba haysan martidana wuu quudin jiray, qofkii balaayo soo gaartana wuu u gargaari jiray.

Marku Nabiga U dhawaaday afartan sano , waxaa bilaawday hor dhici Nabi-nimadiisa oo ku bilaawday Riyo Run ah .. Nabiga haddu Riyoodo riyadiisa waxaa loo arki jiray sidi iftiinka waabariga .. Nabiga SCW isagoo ku dhex jira godka Xiraa , kuna cibaadeysanaya waxaa u yimid oo ilaahay u soo diray Malak Jibriil, waqtigaaso ahaayd bil Ramadaan .. Nabi Maxamed SCW waxuu akhriyey waxuu jibril CS u akhriyey sidaas ayuuna ahaa bilawgi waxyiga , da'da Nabiga kolkaasna waxay ahayd afartan sano.

Islaamku kuma faafin seef iyo dagaal, laakiin faafidiisa waxaa la dhihi kara waxaa ugu wacnaa caqiido fuduud oo waafaqsan Caqliga, Sharci sahlan iyo inuu islaamku waafaqsan yahay dabeecadaha dadka iyo inu nidaaminaayo, hagaajinaayo wax kasto dadku u baahan yahay aduun iyo aakhiraba .. diinta islaamka waa xalka keliya oo jira

Waxaa xusid mudan buug u qoray halgamaagi weynaa ee mareykanka Malcom X kaaso oo marku ka soo laabtay gudashadiisi Xajka u sheegay Mareykanka Madow iyo cid kasta oo ka cabanaysa duudsi, kala sareyn iyo takoorid xalku inu yahay diinta islaamka oo ah hooyga sinaanta, cadaalada iyo walaalti-nimada lagu waajibiyey qofkasta oo muslim ah.

Munaasibadaan oo ah mid Qiime wayn ugu fadhida dadka Islaamka ah maadaama ay tahay Habeenkii uu Dhashay Rasuulkeeni Suubanaa ee la inoogu soo dhiibay Risaalada Islaamka, isaga oo ahaa Rasuulkii ugu dambeeyey ee la soo diray uguna fadli badnaa Anbiyadii ilaahay umaddaha u soo diray oo dhan waxa lagu wadaa in la oogo Munaasabad iyo xaflado kala duwan oo socon doona ilaa maalinta sabtida iyo dalalka qaarkood oo munaasabadaas laga xusaayo maalinta Axada. 

Akhristow haybad-nimada islaamka iyo sida islaamku ugu fiday dacalada caalamka iyo sida ay u hirgashay Risaaladi Nabi Maxamed , waxaad si fiican u daremysa markaad xajka tagto oo la kulanto tiro malaayiin ah ummado kala nooca oo ka soo xajiyey dalka dibadiisa iyo guduhiisaba.