Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Maxay Ku Dambeyn Trump Oo Cadaalad Loo Dhaba Fariistay ..Trump Oo War Ka Soo Saaray Heeshiis Hor Dhaca Oo Dalalka Itoobiya Masar Iyo Suudaan Ay Ka Gaareen Webiga Nile

Thursday - November 7, 2019




Madaxwaybe Trump ayaa rajo wanaag ka muujiyay kulan uu la yeeshay masuuliyiin sare oo ka socda dalalka Ethiopia Masar iyo Sudan oo uu u fidiyay gobol uu ku dhex dhexaadinayo si loo soo afjaro xiisada mudada dheer soo jiidatay ee sida loo wadaagayo biyaha wabiga Niilka.

War qoraal ah oo uu soo dhigay Trump bartiisa Tweeter ayaa waxa uu ku yidhi

“Waxaan la kulannay wakiillo sarsare oo ka kala socda dalalka Masar, Itoobiya, iyo Suudaan si ay gacan uga geystaan xallinta khilaafkooda muddada dheer soo taagnaa ee biyo xidheenka Grand Renaissance Dam ee ay Ethiopia dhisayso. Biyoxidheenkaas oo ah midka ugu weyn adduunka. Kulanku si wanaagsan ayuu u socday wadahadalkuna way socdaan maanta”

Wadahadalkaas ka dib ayaa Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan waxay isku raaceen in heshiis kama-dambeys ah ay ka gaaraan khilaafka biya xireenka, waxana heshiiskaas kama dambaynta ah qalinka lagu duugi doonaa bisha January ee sanadka soosocda, 2020 sida lagu shaaciyay war saxaafadeed sedex dhinacle ah oo uu ka dhawaajiyay Xoghayaha Maaliyada ee Maraykanka Steven Mnuchin

“Wasiirada sedexdan dal waxay isku raaceen in ay ka wada shaqeeyaan sidii qalinka loogu duugi lahaa heshiis kama dambayn bisha January 2020. Waxana ay markale Washington ku kulmi doonaan horaanta bisha soo socota ee December iyo bartama bisha January 2020, si loo qiimeeyo looguna taageero horumarka ay gaareen”.

Isaga oo hadalka sii ata ayaa xoghayugu waxa uu yidhi “Haddii heshiis ay gaari waayaan illaa 15-ka January ee 2020, wasiirrada waxay isku racayaan qodobka 10-aad ee heshiiskii 2015-kii oo la meelmarin doonaa, waxana uu qodobaaas 10aad odhanayaa Seddaxda dal waxay xallinayaan khilafka, ka dhalan kara fasiraadda ama meelmarinta heshiiska, iyadoo la raacayo hannaanka wadatashiga iyo wadahadalka taas oo waafaqsan xeerarka is aaminaadda wanaagsan.”