Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dambarki Xuriyada Eritrea Nimaan Doonin Baa Dhamay .. Afawarke Oo Sheegay Inu Ka Badbaaday Afgambi Lala Damacsanaa

Saturday - November 2, 2019


War murtiyeed ka soo baxay dowladda Eritrea, islamarkaana ku qornaa afka Tigreega ayaa lagu faah faahiyey xog cusub oo la xariirta afgambi ay Madaxweynaha dalkaasi la damacsanaayeen Mareykanka iyo Israel.

Warka ka soo baxay Eritrea ayaa lagu sheegay in hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay maleegtay afgambi tallada dalka looga tuurayo Madaxweyne Isaias Afwerki, kaas oo ay gacan ka geysatay Israel, gaar ahaan sirdoonkeeda loo yaqaaano Mossad.

Xukuumadda Eritrea waxay carabka ku dhufatay in afgambigaasi la damacsanaa inuu dhaco sanadkii 2011-kii, laakiin ay hadda uun heshay xogta ku saabsan qorshahaasi la damacsanaa, balse uusan hirgelin.

Qoraalkan ayaa waxaa si toos ah looga magac dhabay shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey in ay ka qayb qaataan oo Eritrea ay sheegtay in ku kulmeen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalka kenya

Sidoo kale Eritrea ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in gudaha dalka laga abaabulo kacdoon dadweyne, si talada dalka Eritrea lagula wareego.

“Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen.” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sanadkii hore Eritrea laga qaaday cunaqabateyntii saarneyd in muddo ah, kadib heshiis