Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Qiso Kooban Oo La Xariirta Naxariisti Iyo Sabirkii Rasuulkeeni Maxamed SCW

Friday - Feb 5, 2016



Rasulka Alle SCW, waxuu ahaa mid aad u naxariis badan waxaana u ku yiri Xadiis "Kuwa Naxariista Raxmaanka ayaa u naxariista". Rasuulku SCW dhib badan ayuu kala kulmay Makah Iyo Gaaladi halkaas Deganeyd, kadibna Rasuulkii waa u isaga tagay isagoo xagaa iyo magaalada Daaif U Baxay Oo U Rabay iney taageeraan diinta xaga Alle uga timi.

Nasiib daro Dumarkii iyo Caruur aan wax dhawreyn ayey ku direen oo dhagax la dhacay, dhib badan ayaa soo gaaray oo waxay u ahayd maalin madow illa heer lugihiisa dhiig  ka socday maalinkaas .. Dareenka Rasuulkana SCW aad ayuu isu badalay oo ka xumaaday fal nacasnimada ay kaga hor-yimaadeen reer daaif, waxaana u arkay Malak Jibriil oo ku yiri: Alle Waa maqlay waxaa Qoomkaagu kugu yiraahdeen iyo sidaay kula dhaqmeen, waxuuna kuu soo diray Malaga Buuraha isda aad ugu amarto wixii aad rabto.

Kadib Rasuulkii SCW, waxuu yiri: Malagii buuraha ayaa ii dhawaaqay oo ii salaamay, waxuu igu yiri Maxamadow waa adigu sidaad dooneyso dooro, hadaad doonto labada buurood ayaan iyagoo ku dhex jira isku dharbaaxaya

Rasuulkii SCW, Aad ayuu u naxariis badnaa wuxuu yiri: Maya, waxaan rajeynayaa in Alle SWT dhabaradooda ka soo saaro kuwa Alle kaligiis caabuda oo aan u shriik yeelin ee iska daa.