Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Beesha Caalamka Oo Bilaabeysa Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed Oo Lagu Xalinaayo Diidmada Puntland

Thursday - Feb 4, 2016

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dhawaan ay Puntland imaan-doonaan wafuud ka ocota Beesha caalamka oo uu hogaaminayo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating islamarkaana ah madaxa UNSOM.

Beesha Caalamka ayaa xooga saaraysa in ay xaliso diidmada weyn oo ay dawladda Puntland iyo shacabkeedu kaga horyimaadeen go’aankii dawladda federalka ee soo xulista baarlamaanka aqalka hoose iyo kan sare
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay inaanay aqbalayn go’aan ay gaartay dawladda federaalka Soomaaliya 27-Jan-2016 kaasoo ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulidoono habka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, halka aqalka sare nalagu soo xulidoono habmaamul goboleed iyadoo Puntland iyo Somaliland loogudaridoono min saddex xubnood oo dheeraad ah, go’aankaasoo beesha caalamkuna ay soo dhoweysey.

Waxaa isbuucan booqasho gaaban ku yimid magaalada Boosaaso diplomaasiga u qaabilsan arimaha siyaasadda xafiiska UNSOM ee Puntland Cabdicasiis Maxamud Farabadane isagoo kulamo la yeeshay madaxda sare ee Puntland oo ugu gogol xaaarayey wafuudda caalimiga ah ee kusoo fool leh Garowe iyagoo dadaal ugu jira xalinta khaliifkaas kadib markii la garwaaqsaday diidmada Puntland oo aan looga maarmin hannaanka geeddi-socodka doorashooyinkadalka ee 2016.