Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qiiso Mudan In Lagu Cibro Qaato .. Abaalku Waxuu Keena Abaal Marin Dhaqso Ah

Wednesday - Feb 3, 2016



Boqoradi hore mid ka mida ah ayaa maalin soo dhex maray dadkiisa isaggoo u balan qaaday qofkii u ka helo kalmad wanaagsan inu siin-doono abaal marin 400 dinaar .. Boqorkii sidu u wareegaayey marki dambe waxuu la kulmay Oday 90 jira oo beeraya geed Saytuun ah .. Boqorkii ayaa ku yiri maxaad u beereysaa Geedkaan adigoo da' ah oo isaguuna u ku baxo 20 sano, oo geeridi ayaaba ku hayse?
\
Odaggi ayaa intu qoslay ku yiri; kuwi inaga horeeyey wey beereen anaguna weynu goosanay markaa anaguna waan beereynaa si ay u goostaan kuwa soo socda.
Boqorkii ayaa hadalkii aad uga helay, waxaana u ku yiri; kalmad wanaagsan ayaad tiri; sidaa daraadeed, waxaan ku siinaya abaalmarin 400 oo dinaar .. Odagi ayaa dhoola-cadeeyey, dabadeed boqorkii ayaa weydiiyey oo yiri maxaad u dhoola-cadeysay ? Odagii ayaa ku jawaabay Geedka Saytuunku 20 sano ayuu ku dhalaa aniguna keygii haddu ii dhalay. sidaas ayuu wanaaga la sameeyo markiiba leeyahay abaalmarin dhaqso ah.