Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Trump Iyo Netnyaahu Oo Dhaafay Diilinti Caseyd .. Israaiil Oo Ku Dhawaaqday Go'aanki Laga Sugaayey Ee ILhaan Cumar Iyo Rashiida

Thursday - August 15, 2019



Tel Aviv – Israel ayaa ka mamnuucday ILhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka booqasho ay qorsheeyeen inay ku tagaan Qudus iyo Daanta Galbeed, waxaa sidaas maanta shaaciyey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Israel, Tzipi Hotovely.

“Go’aanka waa la gaaray, go’aanka waa inaan loo ogolaan inay halkan yimaadaan” ayuu Hotovely u sheegay Radio-ga Reshet ee Israel.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa go’aankan wada-tashi kala yeeshay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, arbacadii ka hor inta aan maanta lagu dhowaaqin.

Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeedda Falastiin ayaa waxaa laga soo doortaa gobolka Michigan, halka Ihaan Cumar oo Soomaaliya kasoo jeedda laga soo doorto Minnesota .. Labada xildhibaan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israel ay kula dhaqanto falastiniyiinta

Madaxweyne Trump ayaa maanta bartiisa twitter-ka kusoo qoray “Waxay muujin doonta dafiicnimo weyn” haddii Israel ay labadan u ogolaato booqashada israaiil

Trump waxa uu intaas ku daray “Waxay neceb yihiin Israel iyo dhammaan dadka Yahuudda ah, mana jirto wax la oran karo ama la sameyn karo si maskaxdooda loo beddelo.”

Safiirka Israel ee Mareykanka, Ron Dermer ayaa bishii tagtay sheegay in Rashida iyo Ilhan loo ogolaan doono booqashada, si loo xushmeeyo Congress-ka Mareykanka iyo xiriirka Israel iyo Mareykanka.

Taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in is-beddelka ku yimid mowqifka Israel ay ugu wacan tahay damac ku aadan inay Trump la qaataan siyaasaddiisa adag ee ku wajahan labada gabdhood.

Safarka Rashida iyo Ilhaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa inay tagaan dhismaha masjidka barakaysa ee Al-Aqsa.