Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Beenaalihi Ku Soo Indh-cada Inu Sheegto Nabinimo Iyo Wixii Kala Qabsaday Saxaabig Geesiga Ahaa Xabiib Ibnu Sayid

Monday - August 12, 2019



Sanadkii 10 aad ee Hijrada Nabiga ayaa waxa ka soo baxay deegaanka Yamaama (Riyaad) nin sheegtay Nabinimo oo la yiraahdo Musaylama Al-kadaab .. Ninkaas oo warqad dhambaal ah u diray Nabi Muxamed (N.N.K.H) isagoo leh; Maxamedow arinka Nabinimada waa laygala ka qayb galiyey ee dhulka bar aniga leh, Reer Qureyshna Barka Kale Ayey leeyihiin, laakiin reer Qureesh ayaa xadgudbaya.

Warqadi markay Nabiga soo gaartay ayuu faray saxaabadiisii inay Musaylama u qoraan warqad loogu jawaabayo, qoraalka warqaduna sidan ayuu ahaa:- Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, ka socota Muxamed oo ah Rasuulkii Ilaahay kuna socota Musaylama Al-Kadaab (Beenaale), Nabadgalyo korkiisa ha ahaato cidii raacda hanuunka, intaa wixii ka danbeeya Dhulka waxa iska leh Ilaahay wuxuuna dhaxalsiiyaa adoomihiisa ciduu doono, cirib-danbeedkana waxa iska leh kuwa Ilaahay ka dhawrsada

Nabigu (N.N.K.H) markuu qoray warqadan ayuu u doonay inuu u dhiibo warqada mid ka mid ah dhalinyarada saxaabadiisa, wuxuuna doortay saxaabiga Xaiib ibnu Sayid (I.R.H).

Xabiib waa qaaday warqadii wuxuuna u geeyey ninkii sheegtay Nabinimada ee Musaylama, isla markuu akhriyey ayuu carooday oo giir ka kacay markaasuu Xabiib warsaday oo waydiiyey inuu rumaysan-yahay Nabi Muxamed (N.N.K.H), Xabiibna wuxuu u sheegay inuu rumaysanyahay nabi Muxamed, kolkaasuu Musaylama carooday oo waydiiyey inuu isagana u rumaysan-yahay Nabinimo!! Xabiib wuxuu yiri: “Kumaan maqlin!!” Musaylama wuxuu mooday inaanu Xabiib su’aasha maqlin waana ku celiyey isla waydiintii:- Ma i rumaysan-tahay inaan aniguna sida Muxamed oo kale ahay Nabi? Xabiib (I.R.H) wuxuu yiri: “Kuma maqlin!!”

Ninkii beenaale ahaa ee Musaylama oo isla han-waynaa oo waliba taageera-yaashiisii hor tubanyihiin ayaa ku fashilmay goobtii, markaas intuu carooday ayuu faray ciidankiisii inay Warma ama seefo ka taagaan Xabiib, wayna dhaawaceen. Hadana ninkii Musaylama isla waydiintii ayuu waydiiyey, Xabiibna sidii hore oo kale ayuu u jawaaabay.

Musaylama wuxuu faray ciidankiisii in Carrabka laga jaro Xabiib, wayna ka jareen dabadeedna wuxuu waydiiyey inuu nabinimo u rumaysan-yahay Muxamed (N.N.K.H)? Xabiib madaxa ayuu ruxay isagoo leh “Haa” markaasuu Musaylama hadana waydiiyey: Anigana sow ima rumaysnid? Xabiib madaxa ayuu ka jeediyey isagoo leh “Maya, kuuma rumaysni nabinimo.”

Musaylama intuu carooday oo ciil-kaanbiyey ayuu faray ciidankiisii inay dilaan oo googooyaan hilibkkiisa kadibna ay gubaan maydkiisa ..Subxaana Allah wayna sameeyeen sidii la faray. Sidaasbuuna ku shahaado qaatay saxaabigaa geesiga ah ee naftiisa u huray diintiisa iyo Rasuulkiisa Muxamed (N.N.K.H)