Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Gorgorki Samada Laafyoon Jiray Muxuu Mirqaanka Iyo Waqtigu La Macanaa .. Boliska Itoobiya Oo Qab-Qabtay Rag Hubeysan Oo Isku Dayey Iney Cabdi ILey Kala Baxsadaan Xabsiga

Wednesday - August 7, 2019



Dawlada Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay xubno isku dayay inay xabsiga kala baxsadaan Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo loo haysto falal kala duwan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin Dilal, Jirdil, Barakicin, gooba ganacsi iyo kaniisado la gubay dacwado la xiriira.

Wargeyska the reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa qoray in la qabtay shaqsiyaad qorshaynayay iney 5-ta August oo ku beegnayd Isniintii ay xabsiga ka sii daayaan Cabdi Maxamuud xiliga maxkamadda laga soo celiyo iney fuliyaan falkaasi.

Ragan qorshahan fulinayay iyo Askarta wadooyinka ayaa rasaas is waydaarsaday kadib markii ay ciidamadu amreen in la baaro gaari ay hor-dhigteen Afaafka hore ee xabsiga uu Cabdi Max’uud Cumar uu ku xiran yahay ee Qaaliti, waxana amarkaasi ku gacan sayray ragan hawlgalka fulinayay.

Wargayska ayaa intan ku daray in diidmada ay amarka taraafikada diidiin kooxda baabuurka wadatay iyo shakiga askarta galay uu sababay in la is rasaaseeyo

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay inta badan raggii howlgalkaasi qaybta ka ahaa oo ay ku jirtay haweenay, waxaana la sheegay inuu falkaasi dhacay waqti Cabdi Maxamuud Cumar lagu la maqnaa maxkamadda dacwaddiisa lagu eegayey.