Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Aduunyo Waa Sheeko Iyo Shaahid .. Waa Qisadi Hal-Door Al-Caalim Shiikh Maxamed Muumin Aw Shiikh Aadan Al-Tanade Iyo Libaaxi Dad Cunka Ahaa Ee Ka Xishooday

Saturday - August 3, 2019



Kutubta Taariikhda iyo Warinta Jamaamiirti murtida awoowayaal hore dhamaan waxay isku raaceen in Shiikh Maxamed Muumin Aw Shiikh Aadan oo isir ahaan ka soo jeeda Reerka Lelkase -Tanade u ahaa caalim cilmigiisa dur-dur aan gureyn oo salafka- saalixa ku taagnaa, isla-markaana ahaa Muwaxid aad u cibaado badan kheyr iyo karaamo badan lahaa, oo hadana ereygiisu tuuf leeyahay, waxaana la sheegaa in waxbarashadiisi aqoonta cilmiga diinta uu ka soo bartay magaalada Harar iyado waqtiyo dambe u ku taxnaa duruusti imaamki weynaa ee dhisay masjidka Jaamac Xamar-weyne Shiikh Xalwaan Shiiraasi

Qarnigi u noola Shiikh Maxamed Muumin wax dawlad la yiraah ma jirin balse waxaa jiray saar Qabiil, dab munaafaq shido iyo Qaraab-doonasho guud, Awood-sheegasho iyo duulaan dad aan wax galabsan lagu xasuuqo .. Waxaa kalo jiray jahli badan oo diinta looga beyray isla-markaana laga leexday awaamirti islaamka fareysey ee ahayd u naxarisashada umada dhexdeeda, Sida daraadeed Shiikh Maxamed Muumin Allaha barakeyo oo xafido, si u islaaxiyo akhlaaqda bulshadaas lunsan, wuxuu cilmi iyo aqoon juhdi badan ku bixiyey casharo Diini ah ciidaa ka badan oo lagu tilmaamaayo akhlaaqda islaamka, taaso u kaga aflixiyey dhinaca xaga Fiqi Suniga iyo xukunka shareecada ummado badan oo ka kala yimid bari iyo galbeedka somaliya kuwaaso u geedo hoostood wax ku bari jiray.

Qiisooyinki mid ka mida oo laga soo xigtay Aabo, Awoowe iyo awoowe awoowgi ayaa lagu sheegay in Shiikh Maxamed Muumin oo hor kacaya tiro saaxiibo xeertiisa ka mida ayaa safar galay, markii ay muddo ku socdeen cirid kulul ayey goor galb-dhaca ah oo ay kala carabeen maalinti iyo habeenki ayey geed Qurac weyn hoostiis fariisteen oo isu diyaariyeen nasasho iyo jiif, laakiin markiiba waxay ku naxeen shanqar jabaq libaaxu sameeyo oo dhirta ku soo dhex gaatamaya .. kadib hubsiimo inu yahay libaax markiiba si fud-fudeyd iyo sidi leeb la ganay iyo Hayaay Yaasiinka Yaasiinka ayaa wixii geedka hoos joogay deg deg iyo naf la caari isku qaadeen geedka dushiisa, oo xitaa mid xanuun-sanaa oo feebero kaneeco lala Yaasiimaayey la arkay isagoo futo qaawan fiinta geedka ugu sareysa sidi shimbir ku shabax-leynaaya .. qaarkood khalkhal Baqdin awgeed halis ku galay ineyba geedka ka soo dhacaan halka kuwa kale ay kaadidu fash-fash ka lahayed

Laakiin waxaa la yaab noqotay in waqtigaas Shiikh Maxamed Muumin oo Salaad suna ah iska tukanaayey kama u dhaqaaqin halkiisi oo salaadiisi ayuu iska watay .. Aar soo dibjiray oo habaas kicinaaya dhoosha ka cartamaya dhirta jabinaaya oo ahaa Gool-libaax dhedig ah ku abtirsada xayaawaanka hilib dadka cuna ayaa si indh-indheyn ah geedka Quraca hoostiisa soo istaagay, kadibna isago afka dabeysha u dhigaaya kor fiiriyey wuxu arkay dad sidi shimbiro geedka dushiisa saaran markaasu waa sida la qiyaasay libaaxi yiri "Vai A Fanculo" dabadeed wuxuu kor-meeray Shiikhi salaada iska si watay, kadibna Libaaxi isagoo wax u ka dhiigsiiyo ilkaha dhiiga kaga daadsho waayey ayuu iska baxay.

Kolki u Shiikhi Salaadi dhameystay ayaa xertiisi oo fajac gacanta saartay ku yiraahdeen: Shiikhow maxaa kugu dhacay soow ma aadan arkeyn Libaaxa? Shiikhow adiga waad iska taagan-tahay ma baqeysid miya inuu ku cuno?  Shiikhi ayaa xikmadiisi iyo hadalkiisi macaanaa jawaabtisi ku ganay : Qaabka libaaxu miciyaha igu lisanaayey, Dhawr jeer baan mooday in aan meyd noqday Aakhirooday .. Laakiin isma dhaqaajin oo Walaahay waxaan ka xishooday ilaahay, oo anigoo hor taagan Rabigeyga inaan ka cabsado khalqi ka mida ah khalqigiisa .. Allaa ii miciinay ee xerey ogaada Nin Allaha wakiishay wehel uma baahna

Allow yaa Awoowe Maxamed Muumin duni ku soo celiya Roob iyo maamuus aan helne  .. U Soo Akhriya Marxuumka Shiikh Maxamed Muumin Faataxada Iyo Quluwalaha, una barya in ilaahay xabaasha uga yeelo xero nabadiino iyo denbi wixii u lahaa ka dhaafo kuna waraabiyo naxariistiisa ugana deeqo janadiisa fardowsa Aamin Aamiin
 

hits Hits : 2290