Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Diinta Islaamka Oo Kaliya Ayaa Haweenka Siisay Xuquuq Aan La Xaqiri-karin La Mid Ah Tan Raga .. Dumarka Sacuudiga Oo Loo Ogolaaday Arin Mamnuuc ka Ahayed

Friday - August 2, 2019



Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday sharci cusub oo haweenka dalkaas u ogolaanayo inay safri karaan iyagoo uusan la socon qof maxram ah .. Haweenka Sucuudiga ayaa hadda xor u ah baabuur kaxeynta

Sida ku xusan shariga waxaa uu sidoo kale dhigaya in haweenka Sucuudiga oo ay da’doodu ka sarreyso 21 ay codsan karaan baasaboorka iyagoo maxram la’aan ah.

Sharciga waxaa uu haweenka u fasaxaya inay xaq u leeyihin inay codsan karaan sharciyada dhalashada carruurta, waraqadda guurka, waxayna arrintani fursad u siineysa haweenka Sucuudiga inay shaqeysan karaan, oo sida sharciga "Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga waxay xaq u leeyihiin inay shaqeysan karaan iyagoo wax gacan-bidxeyn ah aan la kulmin gaar ahaan in wax dhibaato ah loo geysan karin naafada, jinsiyadaha kala duwan ama da’da qofka.

Sannadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas sannadka 2030-ka kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka.