Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dhacdooyinka Dunida Daafaheeda Maalin-kasta Ka Dhex Dhaca Waxaa Laga Faaiida Waayo-Aragnimo Iyo In Wax Lagu Qaato .. Wiil Aabihiis Gaalnimo Ku Ambaday Oo Si Cilmi-yeysan Ku Muslimiyey

Thursday - August 1, 2019



Wiil iyo Aabihiisa oo Gaal iyo Muslim kala ah ayaa aabihii oo aan heysanin Diinta islamka wiilkiisa ku yiri, Aabo waqti walbo Salaadan aad tukato waa imisa Maalintii , kolkaas ayuu ku jawaabay wiilkii Shan waqti, wiilki oo warka sii wata ayaa yiri: waaye Aabo oo dhib malahane maad iska soo islaamtid.

Aabihii ayaa ku jawaabay Maalin kasta waad tukanaa ee Salaadahan soo ma’aysan soo noqonayaan salaad walbo xiliga beri xigta oo kale , Duhur walbo waqtigaan oo kale waad Tukataa berina way imaanaysaaye soo iskama dhaafi kartid .. Wiilkii ayaa si xikmadeysan uga jawaabay wuxuuna yiri: aabo Maalin kasta Duhurkii iyo Habeenkii waqtiyo siman ayaad Cuntada cuntaa, waxaad joogteeysaa cabista biyaha, Bal ka waran Maanta hadii aad iska deyso ood beri ka dhigato Cuntada.

Aabihii dhalay wiilka ayaa durbaba dareemay xikmada uu wiilkiisa ku hadlay wuxuuna ugu Jawaabay Aabo waa sax la iskama dhaafi karo Cuntada waayo ma sii noolaan-karno hadii aanan biyo iyo Cuntada ku dadaalin .. Wiilkii oo aad u faraxsan ayaa ku jawaabay Salaada iyo Adkaaraha hadii aan iska daayo sidaas ayeey nolosheydu noqoneysaa , Allihii cuntadaan iyo Biyahaan si nabad kugu siiyey ha ku caasinin ayuu wiilkii aabihiis ku yiri .. Nasiib wanaag Hanuunka Alle ayaa iska leh waxaa suurta gashay in Odaygii uu sidaas ku soo Muslimo ,