Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qiiso Taariikh Ah Oo Anfac Leh .. Sheeko Dhex Martay Rasuulka SCW Iyo Nin Reer Miyi Ah Oo Rasuulka Soo Dhaweyn Iyo Sooryo Gobeed Ku Karaameeyey

Wednesday - July 31, 2019


Maalin Maalmaha ka mida Rasuulka (SCW) wuxuu ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu si wanaagsan u karaameeyay .. Rasuulka oo soo dhaweynta ninkaas ka helay, ayaa Nabigu SCW
ku yiri: Ninyaho i weydiiso dantaada.

Markaas ayuu ninki yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: Hal Heeryaysan iyo Riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri:  War ma kari-weyday in aad noqotid Habartii reer Banii Israa’iil oo kale? (yacni sideeda wax u weydiisato)

Kadib asxaabtii oo hadalkaas Rasuulka maqashay ayaa waxay yiraahdeen: Rasuulka Alloow (SCW) maxay ahayd qisada habarta reer Banii Israa’iil ?

Markasuu Rasuulki u sharaxay oo yiri: Muuse ayaa doonay in uu reer Banii Israa’iil la boxo, markaasuu jidkii ka dhumay, markaasay culimadii reer Banii Israa’iil ku yiraahdeen: Rasuul MuusowAnnagaa kuu sheegayna ee Yuusuf ayaa ballan ilaahay nagaga qaaday in aanaan Masar ka bixin ilaa aan lafihiisa qaadno, markaasu Muse yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf? Waxay yiraahdeen intey farta ku fiiqeen: qabriga Yuusuf cid aan Habartaa reer Banii Israa’iil ahayni ma yaqaan, markaas ayuu u cid diray, wuxuuna ku yiri: I tus qabriga Yuusuf.

Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo .. Nabigi (SCW) wuxuu yiri: Wuu dhibsaday Rasuulkii Muuse hadalkeedii, markaas ayaa si waxyi ah lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid meel biyuhu ku uruuraan, markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaaba ku jira lafihii Yuusuf CS. Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale.