Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Doc Walba Waxyeela Ka Jira .. Itoobiya Oo Shalay Talo Xumo Surwaalki Ka Bixisay Doorashadi Konfur Galbeed Haatana U Taagan Iney Nigiska Ka Siibto Jubaland

Monday - July 29, 2019



Wafdi ka socda dowlada Itoobiya ayaa la filayaa in ay beri ama beri dambo gaaraan magaalada Kismaayo, wafdigan ayaana la kulmi doona Madaxweynaha Jubbaland ee waqtigiisu dhamaaday Axmed Madoobe .

Sida aan wararka ku heleyno dowlada Itoobiya ayaa horey casuumad ugu fidisay dalkeeda Axmed Madoobe , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Axmed Madoobe ka cudurtaartay in Itoobiya tago xiligan taa badalkeedana dalbaday in isaga loo yimaado.

Dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in qorsheeneyso in ay faragalin ku sameyso doorashada maamulka Jubbaland ayna cadaadis ku saarto Axmed Madoobe in doorashada ka haro ama ka dhigo doorashada mid hufan oo xalaal ah.

Itoobiya oo ciidamo badan ka joogaan deegaanada maamulka Jubbaland ayaa hada u muuqata mid kasoo horjeeda sida uu wax u wado Axmed Madoobe, waxa ay sidoo kale Itoobiya la dhacsan tahay hab maamulka Dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada Itoobiya ayaa lagu xasuustaa faragalintii ay ku sameysay doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ka dhacday Baydhabo, waxaana Ciidamada Itoobiya xireen Abuu Mansuur oo u sharaxnaa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa taageero xiligan ka helaya dowlada Kenya oo siyaasad ahaan isku dhacsan yihiin dowlada Soomaaliya, waxa uuna Axmed Madoobe doonayaa in mar kale kusoo baxo doorasho muran badan ku jiro.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda sida ay hada wax uga socdaan magaalada Kismaayo, waxa ayna dowlada horey u cadeesay in aysan aqoonsaneyn Odayaal uu xareestay Axmed Madoobe oo la sheegay in Baarlamaanka soo xulayaan.