Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Meesha Aad Qof Ka Qaadaneyso Qof Baad Kaga Tageysa .. Kheyre Oo Shukaansi U Socdaa Iyo Reer Cadaado Oo Sutida Iyo Maya U Qabatay Iney La Kulmaan

Monday - July 8, 2019


Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo saakay kasoo ambo baxay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa goordhaw safar dhinaca dhulka ah kusii maray magaalada Cadaado.

Sida aan Wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa wax yar ku hakaday magaalada Cadaado si uu ula kulmo waxgaradka magaaladaasi, waxaana wararka soo baxaya qaarkood sheegayaan in odayaasha diideen in ay la kulmaan Ra’isul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaana isaga tagay magaalada Cadaado, waxa ayna kusii jeedaan Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo soo dhaweyntooda si weyn loogu diyaar garoobay.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada hada ku sugan wafdi horu dhac u ahaa safarka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo kula hadlo bulshada magaaladaasi sidoo kale la kulmo waxgaradka Gaalkacyo iyo masuuliyiinta magaaladaasi ku sugan.