Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Allow Shacabka Masar Laba Geeriyood Ha Isugu Xigsiin (Geerida Mursi Iyo Xukunka Qarqoosh Siisi) .. Madaxweyne Mursi Oo Cadaalad La'aan La Geeriyooday

Monday - June 17, 2019


Qaahira .Madaxweynihii xukunka laga afgambiyey ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa ku dhex geeriyooday maxkamad ku taalla dalkaas oo maanta la soo taagay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda ee Al-Ahram.

Sida ay lagu sheegay  warbixinta Talefishinka dowladda Mursi ayaa miir daboolmay markii ay furmatay maxakamadentiisa .. Waxaa la sheegay inuusan kasoo laaban suuxdinta oo uu sidaas ku sii dhintay in kastoo aysan jirin hadalo kale oo madax banaan oo muujinayo qaabka uu u dhintay.

Sida qorshaha ahaa Shalay oo Axad aheyd ayaa loo ballansanaa maxkamadentiisa balse waxaa dib loogu dhigay Maanta oo Isniin ah.

Dowladda ayaa dib u dhigista maxkamadeyntiisa shalay ku sheegtay in la isla sugayey maxkamadeynta 22 xubin oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiin oo uu ku jiro madaxii Kooxdaan Madax Badiic.

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak .. Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen .. wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.