Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Buun Ma La ii Tumo Sidi Baashi Soo Degay .. Gorofki Trump Oo La Yaaban Dadka Jeclaan Waayey Iyo Caashaqooda Obama

Tuesday - June 11, 2019



Madaxweyne Turump oo la yaaban dadka jeclaan-waayey ayaa sida caadada ah goor walba ku butaaca xumaanta iyo xaasid-nimo u hayo Madaxweynihi hore ee Obama .. Trump ayaa madal kasta oo u ka hadlaayo isku muujiya cayda Obama isagoo ku Eedeya inu yahay: nin qafilan oo intu is qaad-qaado ayuu iska dhigi jiray nin wax qabta iyo mar uu ku tilmaamo Obama inu yahay: kii Ameerka diifta baday iyo mar u yiraahdo cqligisu waa kan Dameeraha oo waa fulay geesi is mooda.

Balse Amuurta la yaabka lagu qoslay ayaa ahayd marki Trump u yiri; Horumarka iyo waxa aan wanaag dalkaan u sameeyey waa layga abaal dhacaya oo intaan sameeyey haddi Obama sameyn-lahaa waxaa la oran lahaa waa halyey iyo Hooyadiis baa nin dhashay oo bilado geesi ayaa lagu taxi-lahaa, waxaana buun-buunitaas sabab u ah ayuu yiri wargeysyada faashilinta ah oo xita haddi Obama Xaar isku soo dhamooqo waxay oran-lahaayeen waa nadif, balse aniga ayuu yiri haddi aan wax kasta qabto faraqa ayey ii haystaan Amaan ka heli-maayo oo warbaahinta iyo wargesyada faham guurka lagu riday lama marsiin-karo Trump ayaa wanaaga sameeyey .. Wargesyada Ameerika ayuu yiri: dhagar bey ka bixi la'yihiin oo waa hooyada umusha bac-bacda beenta, Musuqa iyo qabyaalada.

Trump oo ay dilootay hiinaase iyo kalsooni xumo, nasiib daro iska daa waxuuu yeelo Obame bal isagi bey fagatay oo xaalad nafsaani ah qaaday.