Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Sheekada Maanta Taagan .. Dawlad-nimadi Somaliya Oo Aan La Kala Garaneyn Geeri Iyo Nolol Gees Lagu Tiriyo

Saturday - June 8, 2019


Warar xog-ogaal oo naga soo gaaraya magaalad Mogdisho ayaa ah mid xaalada ka jirtra si aada looga dayriinaayo, oo maalinba maalinta ka dambeysa Murugo iyo maskax-farad iyo waji gabax ka sii qaadeysa .. Waxaa la leeyahay hadda dadki dhiigaa kacsan oo talo faro ka haaday, waxaana la sheegaya in maamulki dawlada dhexe wax walba isku dhabqeen, isla markaana is dhex qaaday sidi Caano aashito lagu shubay illa heer dawlad-nimadi Somaliya ay u muuqatay wax aan sal iyo raad midna ku fadhin, Madax iyo Manjo aan la kala garaneyn geeri iyo nolo gees lagu tiriyo aaney jirin .. Maamul-kaan oo xiriirki goboladi waaweynaa isu jareen iyo xiriirki dawladaha shisheeye gaabis ka dhacay, xaaladaas awgeed waxaa la oran kara maamuladi ka horeeyey wax kafad la wada saari-karo ka dheer sina looma wada qiimeyn-karo.
 
Waxaa la sheegaya in sharcigi dabada laga tuuray, oo dasturki iyo baarlamaanka goor shaqo ugu dambeysay aan la garaneyn iyo sido kale xuquuq la dhawro haba sheegin .. sida la soo tabinaayo dawladaan xaalada taagan awgeed wax hindisa cusub ah maskaxdooda kama raadshaan , isla markaana haddi ay la kulmaan aragtiyo iyo mushkilado cusub waxay ku qiimeyaan siyaasado mala-awaal ay horay u maqleen oo waqtigaan aan shaqeyneyn .. wixii ay horay u yiqiineen ma kobciyaan mana badalaan .. Maamulka maanta jira wuxuu noqoday wax talo xun, oo sidaa daraadeed maamul talo xun wax laga dheefaayo ma jirto aan ka ahayen farsamo daro iyo waxay faraha la galaan aysan aqoon u lahayen .. somaliya waxaa maanta ka taagan, Talo Farmaajo ka guur mooye ku durug ma laha

Bulshadu waxay meel-kasta kaga hadaaqayaan in Maxamed Farmaajo marki ay ku habooneyd ee u haystay fursadi iyo taageeradi shacabka balaaya u hilaacday, laakiin si kastaba ha ahaate jaaniski dhaaf oo maanta isagoo gacmaha laba-dible isaga xiray wuxuu cagaha kula jiraa Digo kulul, sheekadi cadawga iyo cid waliba ay leedahay Alla Somaliya God haadaan ah bey ku socota oo wax naxariis iyo wax xarig ka furaya midna la fileyn .. Arintu si kastaba ha noqote Farmaajo iyo Saaxiib-kiis Kheyre, waxay ogaadeen in aysan Rajo lahayen oo cid isu soo taageysa aysan jirin, ugu dambeystiina xitaa saadaashi loo rog-rogay dhulkana cidiyihi loogu jeex-jeexay bal in socdaal hor leh waqtigi dib u celin-karaan, balse nasiib daro waxaa ku soo booday Faalki "Mid aan rajo lahayen oo la yiraah "is-Maqiiq"
 
Dhinac kale kuwa isku shaaba-deeyey siyaasiinta ee hadba shaar soo gashanaaya ee magacii mucaaradka ka dilay, laakiin ah beenaala-yaasha aan habeen meel ay siyaasadi taallo qoob dhigin, laakiin ku andacooda siyaasiyiin baanu nahay, ha-yeeshee wax ay yihiin aanay jirin ee arintoodu tahay dadkaan ka been badanhay, kuwaas oo ah kuwa halkaa dhigay somaliya ee iyaguna godka u qoday