Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dib U Milicso Xasuusta Shakhsiyaadki Horay U Soo Islaamay .. Haweyney Cir-Bixiyeenad Ahayd " Astronaut" Oo Ku Soo Islaamtay Mucjiso Ay Kala Kulantay Dayaxa Dushiisa

Friday - May 17, 2019



Haweyney caan ah oo cir-bixiyeen ah oo u dhalatay dalka Mareykanka, asal ahaana ka soo jeeda dalka Hindiya, ayaa hadda ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay soo islaamtay .. Gabadhaan cir-bixiyeenka ah oo lagu magacaabo Sunita Williams kana tirsan NASA ayaa daboolka ka qaadat in go'aankan caaqibada leh ee ay qaadatay in ay gaartay kadib ay si dhaba oo aan shaki ku jirin ay u xaqiiqsatay in Diinta suuban ee islaamka ay tahay mid jiritaan-keeda aanu wax madaw ahi saarneyn oo ay tahay Diin kaliya ee ay ku jirto liibaanta aduunyada iyo ta aakhiraba.

Cir-biyeenadani waxa ay ka dhawaajisay in go'aankaan mustaqbalka leh ay qaadatay isla markii ay si nabadgalyo ugu soo noqotay dhulka safar oo qaatay 197 Maalmood oo ay ku tagatay Dayaxa dushiisa iyada iyo Afar Cir-bixiyeen oo la socday.

Haweyneydaan oo waqtigaas warbaahinta uga warameysay go'aankeedaan ayaa tiri: ilaahaybaa mahad leh oo khaatimada ii waafajiyey, markaan aan dayaxa dul joogay waxaan Telescope weyneyso ah ku soo eegay dhulka oo dhamaanti midabkiisu madaw ahaa marka laga reebo laba meelood ( dhibcood) oo barakeysan oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u nuuraayey una iftiimaayay oo kala ahaa Makkah Iyo Madiina oo ku yaala dalka Saudi arabia.
Waxay kalo tiri: Ma aha wax muran ku jiro islaanimadeyda marki aan Dayax dul joogay haba yaraatee wax jabaq iyo cod ah maan maqlayn marka laga reebo dhawaaqa codka Eedaanka lagu adimo shanta salaadood ee ay waajibeysay diinta islaamka.

** Diinteena Allow Nabad Ka Yeel Beenta Laga Sheegay .. Allahayow Gabdha Sunita Dunuubta ee markedi hore Haysatay diinta Hinduska Ka Dhig Oo Ka Wada Dhaaf Wixii Hore Ahaa