Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Qiiso Yaroo Faaiido Badan .. Ogow Wiilkeygow Runta Waa Lagu Badbaada

Wednesday - May 15, 2019



Laba Nin ayaa ceyrsaday Wiil yar, hadaba Wiilki sidu u ordaayey wuxuu arkay meel lagu dhuuman-karo oo guri ah .. Guriga hortiisa waxaa fadhiyey Oday waayeel ah, Wiilki la ceyrsanaayey wuxuu Odaygii ku yiri: Adeer waa lay ceyrsanaya waxaan raba inaan halkaan ku dhuunto, Odagii ma jawaabin, hadaba Wiilki wuxuu iska galay meeshi si ugu dhuunto.
 
Odeygii oo meesha iska fadhiya ayaa waxaa soo maray Labadi nin oo raadineysay Wiilkii, markaas ayey weydiiyeen Odeygii waxayna ku yiraahdeen: Adeer Wiil yar oo ardaya halkaan ma soo maray.. Odaygii ayaa ugu jawaabay: Haa wuxu ku dhuuntay gurigaas ayuu yiri  .. Wiilki ku dhuumanaayey guriga gudihiisa aad ayuu u naxay cabsi badana wey soo wajahaday, balse Labadi nin ee ceyrsanaayey waxay is yiraahdeen Odagaan been ayuu idiin sheegaya oo wuxuu raba inu gurigaan nagu mashquuliyo si uu Wiilkana u sii dheeraado oo aan gaari weyno, weyna iska sii tageen oo raadiskoodi ayey sii wateen, marki ay fogaadeen ayaa waxaa soo baxay Wiilki yaraa isagoo xanaaqsan oo ku qaylinaaya Odaygii wuxuuna ku yiri: Adeer adiga naxariis ma lihid miyaadan ii damqaneyn? maxaad ugu sheegtay meesha aan ku dhuuntay ?

Odaygii ayaa ugu jawabay hadal xikmadeysan isagoo yiri: Hadey Beentu Wax Badbaaiso Runtana Wax Wey Badbaadisa .. haddi aan been u sheegi lahaa, xaga Rabina dambi ayaan ka galay, adiguna waxa laga yaaba inaadan badbaadi laheen, balse hadda runta ayaad ku badbaadisay .. Wiilkeygoow Ogow Runta Waa Wadada Lagu Badbaado