Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Allow Hooyo Aduun Iyo Aakhiraba Dambigeeda Dhaaf .. Qiiso Nin Shahaadadi Lagu Kari-Waayey Oo Marki Dambe Hooyadiis Cafisay

Saturday - May 11, 2019


Waxaa la yiri waqtigi Rasuulka CSW inu jiray wiil dhallinyaro ah oo la yiraahdo Calqama wuxuu ahaa mid aad ugu dadaala daacada ilaahay sida Salaada, Soonka iyo Sadaqada, marki dambe wuu jiraday waxaana ku adkaatay jiradiisa .. xaaskiisa ayaa waxay u tagtay Rasuulka CSW waxayna ku tiri: Rasuulkii Allow: Ninkeyga Calqamah wuu jiran-yahay waxaan doonaya inaan ku ogeysiiyo xaalkiisa

Rasuulki CSW wuxuu u diray saxaabada kala ah Camaar, Suheyb iyo Bilaal wuxuuna ku yiri: U Taga oo shahaadada u qabta .. wey aadeen oo guriga ugu galeen, Waxay arkeen asaga oo harjadaya oo ay naftu dhibeyso, waxay u meeriyeen Tawxiidka ( laa-ilaha illa laah) Carabkiisi ma awoodin inu dhaho, waxay u cid-direen Rasuulka CSW iyagoo u sheegaya inuusan carrabkiisu karin shahaadada, 

Nabigi CSW wuxuu yiri: Labadiisa waalid mid ma noolyahay? waxay dhaheen, Rasuulki Aloow, hooyadiis oo da' ayaa joogta, koolkaas ayuu Rasuulka CSW yiri: Hooyada ha laygu yeero, kuna dhaha hadaad u tagi kartid Rasuulka CSW ayaa ku baahan, haddi kale guriga joog ila u ku yimaado .. waa loo tagay hooyadi waana loo sheegay fariinti Rasuulka CSW waxayna tiri: nafteyda naftiisa waa ku furanaya, aniga mudan inaan u tago Rasuulka CSW,  wey cuskatay oo ku istaagtay UL  waxay u timid Rasuulka CSW weyna salaantay, wuuna ka qaaday salaanta, wuxuuna ku yiri: Hooyadii Caqlama run ii sheeg hadaad been ii sheegtid Waxayi baa Alle xagiisa ka imaan: see ahaan jiray xaalka wiilkaaga Caqlama? waxay ku tiri: Rasuulki Aloow wuu Salaad badnaa, wuuna Soon badnaa, wuuna Sadaqo badnaa .. Kadib wuxuu Rasuulka CSW ku yiri: xaalkaagu waa side adiga? waxay tiri Rasuulki Aloow waan ka careys-nahay isaga Kolaas ayuu yiri CSW Sabab? waxay ku jawaabtay:  xaaskiisa buu dhankeeda u badnaa wuuna i caasin jiray.

Rasuulka CSW wuxuu yiri carada hooyada Calqama ayaa ka dabooshay carabkiisa ashahaadada. kadib wuxuu yiri: Bilaal soco oo ii keen xaabo badan. kolkaas ayey tiri hooyada Calqama Rasuulki ilaahayow maxaad ku sameyneysa xaabada? wuxuu yiri Rasuulka CSW: hortada ayaan ku gubaya. waxay tiri: Rasuulki Alloow qalbigeyga ma awoodo in aad wiilkeyga Dab ku gubto aniga horteyda. wuxuu yiri Rasuulka CSW Hooyadi Calqamaay cadaabta alle ayaa ka daran, hadaad rabtid inu ilaahay ka raali noqdo, adigu raali ka noqo, ilaaheyga nafteyda ay gacntiisa ku jirtaan ku dhaarteye waxba tarimeyso Salaadiisa , Soonkiisa iyo Sadaqadiisa, haddi aad adiga ka careysan-tahay .. Umu Calqama waxay Rasuulki ku tiri: waxaa marag ka ahay ilaahay sareeye, malaaiigtiisa iyo musliimiinta waxa jooga halkaan inaan raali ka ahay wiilkeyga Calqama. 

Intaas kadib Rasuulka CSW wuxuu yiri: Bilaalow u tag oo soo fiiri inu awoodo shahaadada iyo in kale? waxaa surtagal ah iney hooyada Calqama ku hadashay qalbigeeda waxaan jirin oo ay iga xishootay aniga .. Bilaal marku u tagay Calqama wuxuu maqlay isago ku dhawaaqaya Tawxiidaka ( laa ilaaha ila laah) dabadeed isla markiiba waxaa yimid Nabiga CSW wuxuuna amray in la dhaqo oo la kafano, kadibana wuu ku tukaday.