Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Talo Faro Ka Haaday .. Shirki Dawlada Fedaraalka Iyo Maamul Goboleedyada Oo Burburay Iyo Qodobada La Isku Mari Waayey

Saturday - May 11, 2019



Muqdisho-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in shirkii halkaasi uga socday mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo madaxada dowladda ferderaalka ee Soomaaliya uu fashil ku soo dhamaaday isla markaana wax heshiis ah aan laga gaarin arrimo dhawr ah oo la isku haystay.

Isku soo wada duuboo shan qodob ayaa la sheegay in madaxda Garoowe fadhiday isku mari waayeen waxaanay kala yihiin:

1- Faragelinta Galmudug,Taas oo qaadatay 5 cisho , natiijo la'aana ku dhamaatay. Galmudug ayaa sheegtay in ay fara galin dawladdu ku hayso iyada oo dawladda Federaalka Madaxweynaha Galmudug u qabatay hal sano halka isagu ku doodayo in la doortay illaa 2021.

2- Xeerka Doorashooyinka ee ay xukumadda Fedaraalku ansixisay oo ay maamul goboleedyadu ku doodayaan in aanu waafaqsaneyn Dastuurka Dalkaasi iyo heshiiskii baydhabo ee Dowladda iyo dowlad Goboledyada Jun 2018, taasina si adag baa Taas waa la isku mari waayay.

3- Saami Qaybsiga Iyo Guud Ahaan Kheyraadka Soomaaliya: 

Sharciga Batroolka oo Baarlamanka la geeyay iyadoo wax laga badaley Heshiiskii Dowladda fedaralka iyo dawlad goboleedyada ee ku saxiixedeen Baydhabo June 2018, iyadana waa la isla meel dhigi waayay. Waxaana arrintaasi aad gaashaanka ugu dhuftay Maamul Goboleedyada.

4- Deeqaha caalamiga:

Deeqaha Beesha caalamka magaca Soomaaliya lagu keeno si cadaalad dalka loogu qeybin lana siyaasadeeyo, iyadana waa la isku mari waayay. Maamul Goboleedyadu waxa ay ku doodeen in saami caddaalad ah ay ka yeeshaan sidoo kalena aan beesha caalamku dawladda dhexe u soo marin wax deeq ah ee toos loo siiyo.

5- Dhameystirka Dastuurka

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa wada dib u eegis ku aaddan dastuurka Soomaaliya iyadoo ay ka maqanyihiin xubnihii dawlad goboleedyada u matali laha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka , xubnahas oo Dawlad Goboleedyada magacaabeen laakin in ay shaqa galaan aan loo ogolaan, qodobkaasina khilaaf weyn kaa dhacay oo waa la isku afgaran waayay.