Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa qiiso Faaiido Leh .. Sheeko Dhexmartay Nin Reer Miyi ah Iyo Oday Indha La' Oo Qabey Cuduro Aad U Badan

Thursday - May 9, 2019




Nin Reer miyi ah ayaa mmaalin maalmaha ka mida isago maraya wado darbi agttiisa ah, wuxuu arkay Nin waayeel ah oo goobtaas fadhiya oo indho la'a, waxaana jirikiisa ka muuqday inu qabo cuduro aad u badan waxayna u ekeyd In Odeygu sida ka muuqatay usan si nolaaneyn.

Odagaas qayb jirkiisa ka mida ah dareen ma lahayen, sida darteed hal dhinac oo kaliya ayuu u fariisan-karey .. Marka ninki reer miyiga ahaa uu Odaga in yar dhaafay, ayuu maqlay Odagii oo leh: Alxamdulilaahi ilaah ayaa mahad leh, allahi iga badbaadiyey cuduro badan oo dadkiisa ku imtixaamay, Alle wuxuu iga doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu abuuray.

Ninki Reer miyiga ahaa ayaa ku soo noqday Odaygii wuxuuna ku yiri: Walaal ma wax kaa badbaadiyey ayaa jirta .. ilaah ayaan ku dhaartaye cudur jirkaaga ka maqan ma jiro ee bal ilaah ka tuug inu ku caafiyo.

 Odaygi ayaa isagoo dhinac isku tiirinaaya ninki ugu jawaabay: Walaal, hadaan haysto Af iyo Carrab aan ilaah ku xuso iyo Qalbi aan ilaah kula xariiro maxaa kalo iga maqan teeda kale ayuu yiri Nolosha qiimaheeda waa intaas, intaasna dad aan haysan ayaa jira.

Ereyadaan ayaa badalay ninki reer miyiga ahaa oo ahaa nin aan diinta ku fiicneyn .. Ninkii marki dambe ilaah ayuu u toobad keenay oo dembi dhaaf weydiistay, mudadaas kadibna wuxuu ahaa mid Alle ku xiran