Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamaanka Iyo Qurumihi Hore .. Qisadi Nabi Ibrahim CS Oo Kooban

Thursday - May 9, 2019



Nabi Ibraahim waxaa dhalay oday la oran jiray Taariikh Bin Naaxuur oo nasab ahaan ka soo jeeda Qabiilka Reer Aazar nasab taxan illa laga gaaro Sam bin Nuux, waana sida ay ku soo aroortay ahlu Kitaabka Yuhuuda iyo Kirishtanka .. waxaa la yiri markii aabihi Taariikh uu jiray 75 sano waxaa u dhashay Ibraahim iyo walaalki kale Naaxuur Iyo Haaraan oo dhalay Luud oo noqday waa dambe Nabi 

Ibraahim wuxuu ku dhashay dhulka Baabilyoon oo hadda loo yaqaan Ciraaq waqtigi Namrood Bin Kancaan u arladaas iyo dunida dhan xukumaayey, dabadeedna waxay aadeen arlada Baytul Maqdas, dabadeedna waxay ku noolaayeen jaziirada Carabta Iyo Suuriya.

Suuriya waagaas dadku waxay caabudi-jireen Todobo Xidigood iyagoo lahaa cibaadooyin gaar ah oo leh hadalo iyo dhaq-dhaqaaq jirka ahba sidaas ayey ahayd arladaas oo ma jirin wax Mu'min ah aan ahayn Ibraahim CS iyo wiilka walaalkiisa dhalay Luud.

Alle Wuxuu u doortay Ibrahim dabcigiisa hufan iyo qalbigiisa dahiran iyo darenkiisa wanagsan awgeed inu dusha u rito xilka ka sifeynta dadka shirkiga iyo xumaha waagas jiray .. Alle ibraahim wuxuu siiyey xikmad isagoo yar oo u soo diray Dadka Rasuul ahaan oo ka yeeshay gacal xabiibki ah (khalil) uu aad u jecel yahay.

Ibraahim Baaqiisi Koowaad wuxuu u jeediyey Xagga Aabihi oo ugu yeeray aabihi inu raaco islaamka oo ka haro caabudaada Sanammyada,wuxuu u sharxay sida u ugu gafsan yahay caabudida Sanamyada aan lahayn awood ay wax ku maqlaan, hasa ahaate Aabihi waa diiday inu soo galo Islaamka oo ugu gooddiyey ibraahim dhgaxayn-doono haddi uusan ka harin waxaan uu la war wareegaayo.

Ibraahim waxuu ugu jawaabay: wax dhib ah xageyga kaama soo gaari-doonaan, waxuuna Alle uga baryayey dambi dhaaf xaga Rabi, laakiinse markii ibraahim u cadaatay inu aabihi yahay cadow Alle, ibraahim wuxuu ka noqday barrii aabihi sida ku xusan Quraanka.

Sido kale Ibrahim iyo qoonkiisi waxaa dhex maray dood, wuxuuna tusiyey in xidigaha iyo wax yaabaha ka muuqda Cirka inysan u Qalmin iney ahaadaan Alle ama ilaah .. Alle Waa Daa'im , Waa Baaqi, Mana Jiraan Cid Xaq U Leh In La barbar Caabudo. ayuu yiri

Dadkii Reer Baabilyoon ( Ciraaq) waxay ku adkeeysteen cibaadadi Sanam Caabudka iyo shirkiga, sidaa darteed nabi Ibraahim waxuu ku dhaartay inu baabbiiyo sanamadooda marki ay ciidooda banaanka tagaan, kadib markii ay aadeen dabaaldagoodi oo uu keligi ku haray magaalada waxuu u jeenstay Sanamyadi ilaahyadooda oo markaas gacantiisa midig uga dhigay cardaadiqaha dhamantood koodi u weynaa maahe, dabadeed gaaladi, waxay yiraahdeen: Yaa sidaan ku falay oo u galay ilaahyadayadii, waxay yiraahdeen: waxaan maqalnay wiil hadal haya oo la yiraahdo Ibraahim.

Ibraahim waa la soo qabtay oo la hor keenay hortooda, waxaana la weydiiyey inu falkaan isagu geeystay ,wuxuuse ku jawaabay oo yiri: mayee, midkaan kooda u weyn sanamyada baa falay ee weydiiya, haddi u hadli-karo, markaas ayey ugu jawaabeen oo yiraahdeen: Waxaad ogtahay Ibraahimow ineysan Sanamyadaani hadlin. Ibraahim ayaa yiri; ma waxaad haddaba caabudaan halkii Alle waxaan wax idiin tari-karin waxna idin yeeli-karin.

Dabadeed baadariyaashi gaalada iyo boqorkoodi Namruudba waxay ammreen in xaabo meel kasta laga keeno la dhiso buuro dab Qaxaya oo dhimbalaheeda la moodo mid taabaneyso cirka, dabeeto Ibraahim oo jeebado iyo silsilado ku xiranyihiin waxay saareen kafada gantaal uu u sameeyey nin Kurdi ahaa oo la oran jiray Hezan oo markii dambe Alle sababay inu dhulka Liqo, waxaana lagu tuuray Ibraahim holaci iyo ololki weynaa si ilaahyadooda loogu hiiliyo, oo halkii laga sugaayey Ibraahim inu ku bas beelo dabka waxaaba la arkay isagii oo ku dhex tukanaya Waayo Allaha Weyn ayaa gargaaray oo Yiri: Dabkow U Noqo Qabow iyo Nabad Ibraahim.

Ibraahim CS Alle wuxuu ku amray inu dhiso Beydka (Kacbada), mana jiro xadiis saxiixa oo sheegaya in Kacbada la dhisay Ibraahim ka hor .. Maqaamu Ibraahim waa dhagaxi uu ku istaagay ibraahim markii u dhisaayey Kacbada, raadkii labadi cagood ee Ibraahim way ka muuqdaan dhagaxi ilaa waqtigi islaamku hor lahaa .. Ibraahim waxuu dhisay masjid kan ugu wanaagsan arlada ilaahay, tog aan lahan Baad iyo Biyo, waxuu ilaahay uga baryey dadka dagaya barako badan amni iyo ammaan dhamaan muslimiinta, Allana wuu ka aqbalay ducadiisi wixii uu ka baryey.

Alle markuu amray ibraahim iyo Ismaciil iney dhisaan Kacbada ma ayan garaneyn meel ay ka dhisaan illa Alle uu soo diray Dabeyl la yiraahdo al-khajuuj oo lahayd labo Baal iyo Madax Mas, waxay nadiifisay meelaha Kacbada hareeraheeda ah si ay u tusto Aasaaski hore ee beydka, waxay raaceen tilmaanteeda oo Qodeen meeshaas jeer ay dhigeen aasaaska, waana halka uu Alle ka leeyahay " Oo Waxaan U Cayinnay Ibraahim Meesha Beydka" (Q 22 : 26)

Ibraahim markii la saaray wiishkii weynaa sidi gantaalka dabka ku dhex tuuraayey waxuu Yiri: Xasbuna-laahi wanicmal-wakiil .. Alla baa nagu filan oo Alle muxuu yahay wakiil iyo difaac wanaagsan.

Ibrahim CS  markay halaagmatay boqortooyadi Namruud waxuu dagay dhinaca Suuriya oo dabadeed degay Falastiin,waxuuna lahaa laba wiil Ismaciil iyo Isxaaq, xaaskiisna Saara waxay ku dhimatay magaalada Hibron isaga hortiis, waxayna nooleeyd 127 sano markaaso u murugooday ibrahim CS oo u tiriyey Ereyo murugo muujin ah, dabeeto Ibraahim CS waa u xanuusaday oo dhintay kadib markii uu noolaa 175 sano. waxaana lagu aasay xaaskiisa Saarah agteeda goobta Cifroon ee ku taal Hibroon .. Dabeeto Saara markay ka dhimatay Ibraahim waa intusan dhimane waxuu guursaday haweyney la yiraahdo Qanduurah oo u dhashay ilmo kala ah: Zamraan, Yaqshaan Madaan, Maydaan, washayaaq iyo Shuux.