Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Mogdisho Oo Abaabul Kacdoon La Hadaaqeysa .. Ergadi Farmaajo U Tagatay: Dadku Wey Kula Yaaban-yihiin Adiguna Waad Milqsaneysa Sidi Mas-Cagaley Haraaday

Friday - April 19, 2019


Dharaarihi Tilmaanaa Xaajaba La Yaab Leh .. Dhambaalo kooban ayaa nagu soo dhacaya oo la leeyahay xaalada magalada mogdisho sidi hore ma aha oo shacabki guux iyo gariirka ka baxaya waxaad mooda Kaare cartamaya, haddana habeenki waa la qaylinaya oo xabadu xaafadaha inta badan ayey ka yuuseysa oo lama yaqaan cid rideysa .. Warkaan tibaaxaya oo shabakadaan loo soo dusiyey ayaa sheegaya in bulshada ay ka dhex oogan-tahay dhirif iyo cabasho aan dhamaad lahayen iyo dhaq-dhaqaaq la rabo in lagu dareensiinaayo dawlada dhibka taagan iyo oohinta badan ee ka dhalatay qaraxyada joogtada ah jidadka xaniban iyo koobki Shaahi ah oo kumanaan si socda, isla markaana waxay carabka ku dhufanayaan iney jiraan masuullin dalqada indha ku leh Kelyuhu Kubada leeg-yihiin oo bulshada sun u karkarinaaya sidaaso kale umaddi maraakiib been ah ayey rarayaan, taasna waxay wax weyn ka badashay guud ahaan jawgi nabadgalyo iyo siyaasadeed ee bulshada degaanka .
Arintaasna sida ay leeyihiin waxaa sababay maamulka Farmaajo iyo Kheyre oo u ekaaday sidi: Ruux Dumara oo aan aqoonin sida Raashinka loo kariyo oo inta la yiri Cunto sameeh wixii-ba mar qura isku wada shubtay maca biyihi oo qabow iyo wixii ay lahayed waxbaan ku karinaya, kadibna iyado horay loo yiqiin in aaney wax karin aqoon la arkay wixii oo isla ba'ay.

 Waxay kalo bulshadu la quruuruf-leedahay sida wax u socdaan oo mar ay noqotaba xaaladu cirka isku shareeri-doonto .. wey qarxi-doonta oo khasab kuma mehersanaan-doono ayey leeyihiin .. Sido kale bulshadu waxay ka cabanayaan oo yiraahdeen: Xildhibaanadi Baarlamaanka ayaa inta xaar isku dhapooqay ayuu haddana raba inu naga gado inu nadif yahay, sheekadaasna cid la marsiin-karo ma jirto ayey hadalkoodi ku soo koobeen.
 
Waxaa la sheegaya in Ergooyin kala duwan oo leh dhawr xildhibaano is xilqaamay oo u badan beesha daarood iyo saraakiil sar-sare oo ciidamadi hore ah ay talo masiirka xambaarsan kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo oo ay u sheegeen gudcurka soo siyaaday iyo xaalada dalka ka oogan oo waliba talo ku siiyeen inu fikirkiisa fogeyo oo noqdo mid wax xaliya, isla markaana soo jeediyeeen in aan la abbaansan siyaasiyiinta xidida saaraya, gaar ahaan in Kheyre aan laga yeeli-karin Riwaayada siyaasadeed iyo khamaarka u ciyaarayo, waxay u sheegeen in Baruur qura ayaa Baruuro qurmisa.

 Hasa ahaate Farmaajo oo baaq-yadooda ergadaas ka jawaabaya wuxuu tilmaamay in xog la'aan ay jirto oo dadku wax badan ka qarsoon-yihiin, dabadeedna faah-faahin iyo sharxaad ka bixiyey argtidisa xaalada dalka oo u ku sheegay in dalkii iyo dakiisiba gacan shisheeye cirka ku laashay oo waliba Waramo beerka kaga taagan-yihiin oo halkaas Macshar Jini Wal-insi, Gaalo iyo Muslinba, Bari iyo Galbeed u soo wada taagan-yihiin duulaanka dalka oo ficil la'aan markii la is qayb-qaybiyey xita Yam-Yam iyo qadaad-weyn UL booca noogu tukubayaan .. xaalku waa miskiin baa misko la fuulo leh oo meel-kasta albaabadi nala ka soo xiray ujeedku yahay in nala ka dhigo sabool maata ah silic u dhimata .. ma jirto ayuu yiri cid maanta na badbaadineysa oo waxaa nagu socda shirqoolo iyo qiisooyin yaab leh, wuxuu sheegay in ujeedada weyn ee dalkaan laga leyahay ay tahay in hantida iyo barwaaqada u ku jiifo mustaqbalka inta Gam iyo Gaw nala ka dhigo oo nala ku birin-birqeeyo dabadeed si sandula ah lagu xaraashto .. waxa socda iyo waxa nala damacsan-yahay ayuu yiri: maalinba maalinta ka dambeysa waa ka si kharaaraaneysa.