Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay .. Abiy Axmed "Ordaaye" Iyo Inanta Trump Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Dumarka Ee Geeska Afrika

Tuesday - April 16, 2019


Addis-ababa - Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay gabadha uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo la yiraahdo Ivanka Trump oo ah la taliyaha gaarka ah madaxweyne Trump oo booqasho ku tagay Itoobiya.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed, waxa kulankaas lagaga hadlay arrimaha guud ee dantu ugu jirto labada dal ee Itoobiya iyo Maraykanka.

Ivanka Trump waxay Itoobiya ka wadaa qorshaha Horumarinta caalamiga ah ee haweenka, gaar ahaan sidii looga xoojin lahaa dhinaca dhaqaalaha.

Mrs. Ivanka Trump waxay hore ula soo kulantay Madaxweynaha Itoobiya Mrs. Sahle-Work Zewde oo ay ka wadahadleen hannaanka loo xoojin karo haweenka, waxaanay sheegtay in Aqalka Cad ee Maraykanku ay horseed ka yihiin sidii haweenka looga xoojin lahaa dhinaca dhaqaalaha oo ah ujeeddada safarka ay ku tagtay Itoobiya.
Gabadha uu dhalay madaxweyne Trump waxa la sheegay in socdaal-keeda Afrika qaadan-doono muddo afar maalmood ah.