Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Magaca ilaahay Ee Ar-Raxmaan Ar-Raxiim, Al-Maalik, Al-Khaliq, Al-Caadil .. Cadaabta Iyo Cidda Galeysa

Friday - April 19, 2019


Marka Qofku dhinto wuxuu xabaasha ku sugaa maalinta ugu dambaysa ee Dunida,
Qofka illaah xagiisa ka xumi Nabad ku heli maayo xabaasha, kan wanaagsanina
wuxuu u jiifayaa si wanaag iyo Deganaansho leh. Marka ay maalinta la soo
wada kicinayo Jin iyo Insiba ay gaarto waxaa bilaabmaya Xukunkii illaahay
oo keligii u gaar ah, wuxuuna inta badan u dirayaa Cadaabta.

Sida Qur'aanku ka sheegay. Cadaabtu waa meel loo sii diyaariyey kuwa beeniya Waxyiga ka dib
markii la soo gaarsiiyey iyo kuwa dembaaba .. Cadaabtu waa meel Eedaad badan .. Naartu waa mid ka duwan waxa ay Aadanuhu maleeyaan marka ay ciqaab xusuustaan, hadana si ay u fahmaan maskaxdoodu inta ay garan karaan waa loogu sheegi karaa dhibaatooyinka ay yaqaanaan, waxaana inoo sahlaya sida Quraanku u sifeeyey iyadoo faahfaahsan.

Waxaynu tusaalayaal kooban ka soo qaadanaynaa macnaha guud Quraanka laftiisa, waxaynu soo bandhigaynaa cadaabta Quraanka lagu xusay, ogaadana in Cadaabtu tahay meel lagu keeneeyo, lagu ceebeeyo, lagu Tollo, lagu gumeeyo, lagu gaajaysiiyo, lagu qarqarsiyo, lagu bahdilo oo ciqaab lagu Abaal mariyo Dembiilayaasha Aduun.

Magacyada Cadaabta Quraanka lagu sheegay waa Todoba; Jahanam .. Jaxiim .. Saciir .. Saqar .. Ladtaa .. Haawiya iyo Xutama. Dhamaantood waa kulayl aad u daran, Dab iyo Olol la quusayo, olol butaacaya, Kulayl xad dhaaf ah, Hanfi ama tu ku jejibineysa.

Albaabada Naartu sida Quraanku sheegay waa Todoba, illinkiiba waxaa ka gelaya in gooni ah oo ka mid ah dembiilayaasha Aduun, Aayadaha quraanka ee ku soo arooray waxaa ka mid ah 39:71-72, 90:19-20 iyo " Hubaal, Cadaabtu waa Gurigooda dhamaantood, waxayna leedahay Todoba Albaab, Illin kastaa, wuxuu gooni u yahay dembiilayaal gaar ah, ( Quraanka 15:43-44 ) ".