Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Musuq-Maasuq Waa Wax Aan Eednay .. Xiriirka Ka Dhaxeya R/W Kheyre iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Bangiga Dhexe

Wednesday - April 10, 2019



Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo maalmo ka hor isago aan imtixaan galin lagu magacaabay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada ayaa la ogaaday in ay muddo fog ay saaxiibo dhow ahaayeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Mr. Cabdiraxmaan ayaa ahaa madaxdii hey’adda NRC ee dalka Norway u qabailsanaa Somaliland, hey’adaas uu hogaamin jiray Xasan Cali Kheyre ka hor inta aan loo magacaabin Raysal Wasaaraha Soomaaliya sanadkii 2017kii.

Sidoo kale waxa uu ahaa saaxiib dhow oo arimaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha kala shaqeeya Raysal Wasaaraha Soomaaliya isagoo dejin jiray istiraatiijiyadda dhaqaale iyo mida siyaasadeed ee arimaha dibadda iyo gudaha dalka.

Waxa uu door wayn ku lahaa barnaamijyada siyaasadeed ee ku aadan codsiyadi cafinta deymaha Soomaaliya iyadoo markii ugu dambeysay uu diyaariyay qoraalo la xariira barnaamijka Cafinta deymaha iyo khudbadda Raysal Wasaare Kheyre ee shirkaan ka furmaya dalka Maraykanka.

Sida la ogaaday Cabdiraxmaan ayaa ku soo bixin Imtixaan, balse uu isaga la fariistay Kheyre isla markaana uu ka dalbaday Xilkaan taas oo keentay in loo magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe, waxaa kalo la timaamay in kheyre iyo cabdiraxmaan maxamed ay muddo aad u fog ahaayeen saxiibo isugu dhaw