Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

War La Qabo Xiiso Ma Leh .. Dagaalki iLhaan Cumar Iyo Donald Trump Oo Markale Dib U Qarxay

Tuesday - April 9, 2019


Madaxweyne Trump ayaa xalay saqdii dhexe boggiisa Tweetarka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar. Warbixintan oo aan ka soo xigannay wargeyska Daily Mail ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Donald Trump oo Sabtidii ka hadlay kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u mahadceliyey isaga oo ku jeesjeesaya.

Inta uusan khudbaddiisa billaabin ka hor ayuu yiri 'Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa'iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa'iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa .. wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu oggolaado in Yuhuud Neceybka ay xisbigooda ku xidideysato.

Ilhaan Cumar oo farriinta uu Trump boggiisa Tweetarka ku qoray ka jawaabeysa ayaa qortay hal jumlad, iyada oo weliba carabi ku sii micneysay, waxayna tiri "Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la'aantooda.
Bishii Fabraayo Ilhaan Cumar, oo ah gabar muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto waxaa lagu eedeeyey 'in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday', iyada oo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddan Taageeridda Israa'iil.

Jimcihii waxaa magaalada New York lagu qabtay oo dacwad lagu soo oogay nin isku dayay inuu dilo ama waxyeello u geysto Ilhaan Cumar.