Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Aduunyoy Hee Dheh, Halyeygi Ku Hawl Seegay Xasilinta Dastuurka Oo Godki Yare Madoobaa Lagu Midaamiyey .. Xoosh Jibril Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Mogdisho

Sunday - March 10, 2019



Waxaa Goor-dhowayd Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laga soo Dejiyey Medyka alle ha u naxariistee WasiirkiI Dastuurka Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jibriil.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Raysal wasaare ku xigeenka, Culimada Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ku Tukaday Janaasadsi Marxuumka .. Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee janasadaas ka qayb qaadatay ayaa sheegay in Wasiirka lagu xasuusto wanaag badan, Sidoo kalana uu Culimada kala tashan jiray Diinta iyo arimaha Dastuurka sid la isu waafajin lahaa.