Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Dhagax Kar-karinta Lacag Hayaha Itoobiya Axmed Shido .. Farmaajo Oo Kaarka Rogay .. Korneyl Muuse Bixi Oo Doonaya Inu Ku Ga'mo Dhabta Abiy Axmed

Wednesday - Feb 20, 2019



Waxaa dib u dhacay kulankii lagu waday iney magaalada Addis-Ababa ee dalka ku yeeshaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha isku magacaabay Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee waayahaanba aqoonsi iney helaan meelkasta albaabada ka soo xirmeen .. kulankaaso la sheegay in markiisi horaba ay si lobby ah u qalqaaliyeen odayaal beesha reer isaaq Adis Ababa ku sugan oo xirir toosa iyo mid dadban la sameeyey wasiirka maaliyada itoobiya Axmed Shido, kuwaaso si garnaqsi ah ku beer-laxawsaday Axmed Shido inu door ka qaato isa soo dhaweynta xiriirka Dawlada itoobiya iyo Maaamulka Hargeysa, lamana garanaayo iney Qanjir u tuureen iyo haddi loogu sacab tumay abtirsi iyo isku reer baan nahay.

Kulankan oo qalqaaladiisa u ka dambeyey farsamada Axmed Shido ayaa qorshuhu ahaa iney is arkaan Muuse Bixi iyo raiisal wasaare Abiy Axmed iyadoo ujeedadu ahaayed in Hargeysa ay si dhaba ugu Gama'do dhabta itoobiya, laakiin si dawlada Farmaajo u garan oo aysan uga caroon waxaa shirka dabool looga dhigay in marka hore Adis-ababa lagu wada kulansiiyo Farmaajo Iyo Muuse Bixi, balse isla kulankaas oo ahaa mid Ruwaayad ciiro iyo boor ku gelgelimeysan aan xaqiiqo baratakol ku fadhin ayaaba nasiib wanaag caqabad noqday oo ay soo wajahaday shaki iyo khilaaf 

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan qodobka ugu weyn ee Farmaajo ku diiday kulanka ayaa ah ayada oo uu dareemay in la doonayo in Turkiga oo muddo ka shaqeynayey isu soo dhoweynta labada dhinac gees loo riixo, lagana tuuro mas’uuliyadda wada-hadalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu caddeeyey inuusan waxba ka qabin in Itoobiya ay lahaato door kulmin iyo marti-qaad kaliya, balse marna uusan ogolaaneyn inay yeelato door goobjoog ahaansho iyo dhex-dhexaadin, kaasi oo Somaliland ay dooneysay.

Madaxweynaha ayaa taas u arkay mid meesha looga saarayo Turkiga oo ergey gaar ah u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo ah safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Mr. Oglan Baker .. Farmaajo ayaa Turkiga u arka saaxiib iyo walaal wanaagsan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay leeyihiin, oo aan la xumeyn karin.

Muuse Biixi iyo wafdigii uu horkacayey ayaa gaaray galabta magaalada Addis ababa, hase ahaatee Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa u soo ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo kansalay safarkoodii Addis ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la sheegay inuu kulamo gaara la yeelan doono Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa,