Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

ILhaaney Samir Iyo Adkeysi Yeelo, Gargaarkii Alliyo Guusha Waad Heliye .. ILhaan Cumar Oo Dam Dam Colaadeed Been La Mal-maluuqay Iyo Bur Sheydaan Duulaya La Kulantay

Tuesday - Feb 5, 2019



Wargesyada ka soo baxa cariiga dawlada israaiil ayaa soo xigtay qoraal faalo ah oo ay qortay wargeyska New York Times oo ay kaga hadashay labada Gabdhood Muslimka ah ee ilhaan Cumar iyo Rashida Dalib oo ka mida xildhibaanada Kongreska Mareykanka kuwaaso lagu tilmaamay iney hiil u galaan Qadiyada Falastin, isla markaana aysan Maqsuud ka ahayen jiritaanka iyo karaamada dawlad-nimada israaiil, balse ay Aaminsan-yihiin in calanka Yuhuudu yahay Maro meel cidla ah saaran.

Wargeyska ayaa intaa warkiisa ku xijiyey in labadaas gabdhood ay yihiin kuwi ugu horey Muslim ah oo baarlamaanka Mareykanka gala, iyado gabadha Rashiida Dalib 42 jir asal ahaan ka soo jeeda daanta galbeed ee falastin si gaara marki loo dhaarinaayey ay soo xiratay Canbuurki Ayeydeed oo gacan lagu harqaamay, halka Ilhaan Cumar 36 jir ay soo qaadatay xijaabki caadiga ahaa .. Labadaas gabdhood waxaa dartood loo badalay Qaacido Bratakol cimri jiray 181 Sano oo Kongresku ku dhaqmaayey, taasoo ka reebeysay in calaamad ama sawir Diin iyo xijaab la soo xirto.

Wargeyska ayaa yiri: gabdhahaas wixii ka dambeeyey laba todobaad dhaartoodi ka dib waxay bilaabeen hadalo darooris Aabi badan iyo wax-yaabo aan laaiiq ku ahayen jiritaanka dawlada israaiil, kuwaaso markasta la shir yimaada aragti ka dwan Tan siyaasada guud ee Mareykanka .. ilaahan oo la hadleysay sanadki hore Yahu News ayaa lagu eedeyey iney xaga xuquuq insaanka is barbadhigtay israail Iyo iiraan oo saas ayey qalad qalad ka daba geyneysay aan saxitaan loo heli-karin, waxaase dhibka si keenay kadib marki ilhaan cumar loo magacaabay xubin ka mida guddiga golaha arimaha dibada taaso looga baqayo Eex kritika ah oo ay halkeedi ka si wado, laakiin waxaa nasiib wanaaga ah ayey yiraahdeen in ninka gudigeeda madaxa u ah Elote ayaa si sira u sheegay in wixii ka baxsan anshaxa qodobada dooda u dabri-doono amase dihi-doono Adeerey ilhaam ka joog oo si kale wax u muuji, Hasa ahaate kooxaha mucaaradka ku ah ee ka soo jeeda xisbiga muxaafdka Jamhuuriga waxay leeyihiin ilhaam Cumar inkasto ilka cadeyneyso meel baa u Cad ee ma aha mid joogso ku hakaneysa.

Wargeyska ayaa sido kale xusay in xubno kongreys ah ay shafka u tumayaan si loo ciribtiro muranka mucaaradada soo jeediya in la cuna-qabateyo badeecooyinka israaiil laga keeno, waxaa baarlamaanka Kongreska todobaadka soo socda la horkeeni-doonaa farsamo sharci iyo qawaanin ka hortageysa in israail dhinacaas badeeco keenida laga cuna-qabateeyo, taaso ay yiraahdeen waxay araxda ka tooganeysa fikradaha ilhaan cumar iyo Rashida Dalib iyo kuwa la mida oo hor boodaya mashruuca xarakada B.D.S ee cuna-qabateynta lagu saaray israaiil 

Dawlada israaiil iyo taageraya-shooda xubnaha labada aqal ee Mareykanka iyo gaar ahaan madaxweyne Trump ayaa aaminsan In Xarkada B.D.S Ee ku saleysan Cuna-qanateynta israaiil ay la macno tahay in meesha ka baxdo jiritaanka israaiil .. Sidaas iyo akhris wanaagsan