Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Diktetarada Caalamka Isu Raad Ekaa .. Korneyl Qadaafigi Isu Calemo Saaray Boqorki Boqorada Afrika Kibirka Ku Dhaanteyn Jiray Oo Daqiiqadihi Naf-bixiisa Laga Maqlay Hadalki Ugu Yaab Badnaa

Friday - Feb 1, 2019


Maalin khamiis ee bisha October 20-keedi sanadki 2011 ayaa Korneyl Macamar Qadaafi oo ahaa hogaamiyihi 42 sano xukumaayey dalkaas Liibiya ee beenta iyo khiyaaliga isku maaweelin jiray oo kolba buur isku qaadi jiray, isla markaana isku caleemo saaray Boqorka Boqorada Afrika ayaa si waxshnimo ah loogu diley magaalada Sirta ee wadanka Liibiya .. Sida la sheegeyna wax raadkiisa dabagal lagu raad-joogaba waxaa ugu dambeysti laga soo jiiday God u ku dhuumaa-leysanaayey .. kadibna sidi Mulac Caruuri dileyso ayaa dhawr mar si arxan daro ah Madaxa iyo Wajiga laga garaacay,oo meel kasta kala dhaceen Haraati, Feere iyo Qori baadkiis, waxaana muuqatay in Qofkasta oo ka mida ah kooxdaasi uu u ciil qabay ama u bax-baxsanaayey si uun  mar u gacanta ula helo Qadaafi oo u muuqday libaax geel qaad ah oo hawd cidlo ah ay ka heshay Geel baadi ah, waxaase jiray qaar ka mid ah dagaal-yahanka oo doonayey inay wataan, laakiin mid ka mida Barbaartaas qabatay oo magaciisa la qariyey laakiin muuqaalkiisa la arkay ayaa si kalinimo ah uga toogtay Xabadka iyo Madaxa laba jeer.

Barbaarta markay Korneylka Dilayeen waxay ku dhawaaqayeen " Allaahu Akbar, Allaahu Akbar" laakiin mid kaliya oo iyaga ka mida ayaa lahaa" Laa, Laa oo loo qaatay in u diidana sida foolxumada ah ee loola dhaqmaayo Qadaafi 

Nin ka mid ahaa kooxdii qabatey Qadaafi ayaa sheegay in Qadaafi hadalkii ugu yaabka badnaa ee ay ka maqleen daqiiqadihi naftu ku si jirtay ee raqdiisa maalin cadceeda la washarinaayey isagoo sidi Shabeel ciil iyo xanuun la dikrinaaya ayuu yiri: " War hooy dhallinyarey i dhageysta waad garad xuntihiin oo waxa aad sameynaysaan ma garanaysaan, waxa qaldan iyo waxa saxana ma kala taqaanaan,waxa laygu galaya waa guusha aan dalka gaarsiiyey , war anigu maxaan idin ka haleeyey oo aan idiin dhimay" hadalkaas marku sheegay waxay Barbaarti qabatay ku abuurtay qosol iyo yaab, waxaana la yaabka keenay in Barbarta qabatay Qadaafi ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda magaalooyinka Benghazi iyo Miserata oo ciidamada daacada u ah Qadaafi ay ka geysteen xasuuq Ba'an.

Ehelada iyo Qaraabada Col. Qadaafi oo ka murugootay silica noloshiisa ku idlaatay ayaa is-afgarad lala gaaray xukuumadi waqtigaas ku meel gaarka Liibiya sidii meydkiisa loogu soo wareejin lahaa oo ay ugu Aasi lahaayeen deegaanada qabaa’ilkiisa, iyadoo shuruudo ahayed in meel qarsoodi ah lagu duugo iyo ugu dambeysti xaalkaas oo sidaas ahaa ayaa godki yaraa madaw lagu midaamiyey ciid mirirtay ee culus majarafada lagu dardaray