Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dardaaranki Rasuulkeeni Abu-Qaasim CSW: Dadka Waxaa Hagi-doona Shahwadooda .. Ragu Waxay Isu Ekeysin-doonaan Haweenka .. Kuwa Ugu Xun Baa Talin-doona

Thursday - January 31, 2019


Cllaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri: in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo Kacbada Barakeysan, isago gacanta ku haya Qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta: 
" MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO? 

Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri: Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg’

Rasuulka ayaa markaa yiri: Xaqiiqo ahaan astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah 
1) In Dadku ay salaadda dhayalsadaan.

2) Dadku waxay u hogaansami-doonaan hawadooda ama shahwaad-kooda. 

3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.

4) Waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya Aduunyo

5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga Muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida milixda ay ugu milanto biyaha, waayo Mu’minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la          xaaraan-timeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo inuu wax ka bedelo.

Salmaan Faarisi ayaa markaa yiri: Waxaasi ma dhici doonaan Yaa Rasuulu Allah CSW? 

Rasuulka CSW ayaa yiri: haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, 

6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah

7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo Caasiyaal ah .

8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya.

9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki-doonaa xumaan

10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo Aamin ah, kuwa Aaminka ahna waxaa loo arki            doonaa ianya waxa khiyaameeyaan.

11) Kan beenta sheegana waa la Aamini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu                    beenaale yahay .. Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.

12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo

13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax,                 hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.

14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa                saaxibadiisa

15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)

Salmaan Faarisi ayaa markaa yiri: Waxaasi ma dhici doonaan Yaa Rasuulu Allah CSW? 
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, 

16) Waqtigaasi Haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan Raggooda 
17) Roobka di’ doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.

18) Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan  la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka igu dhaw  uu mid kasta oran doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.

19) Salmaanow Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya,waxay la  kulmi doonaan Dil, hadii ay Aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xishamd ah        lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana          arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee mid aad u baqaya, isla markaana la argagax               geliyey.

20) Shaki la’aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni  doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba’ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.

21) Salmaanow Waqtigaasi Ragga waxay haeysan doonaan Rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale   haysan doonaan haween kale.

22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.

23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween,
      haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.

24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado Haweenka ummadeyda ka tirsan

25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo            goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.

26) Qur’aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm.

27) Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya              noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is                  khilaafsan.

28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan Dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya        kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan awaxa kaol oo ay isticmaali doonaan Hragga shabeelka.

29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku                        eedeynaya laaluusha.

30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa, 

31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.

32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.

33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha

34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.

35) Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda

36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida                   iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah,             masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus.

37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , ba;de ujeedkooda ma ahan Allah dartii,        waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.

38)Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn. 

39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi                doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed. 

40) Salmaanow Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la          geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.

41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado,                           miskiinimada yaa iyana baahi doonta.

42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.

43) Waxaa di’i doona roobab aan watigooda la gaarin.

44) Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik. 

(45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.

46) Qofka Mu’minka ah xushamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa marka la barbardhigo xitaa            dadka ka shaqeeya guryaha