Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xasuusta Taariikhda Duuga Ah Iyo Durbaanka Saaka La Garaacay .. Aadan Barre Ducaale Iyo Yuusuf Xaaji Oo Loogu Baaqay Iney Somaliya Ku Laabtaan

Wednesday - January 23, 2019


Weriye hore oo ka hawlgaliyey jiray mid ka mid ah raadi-yeyaasha Kenya ayaa halis ku jira kaddib markii uu dalbaday in si deg deg ah loo musaafuriyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay ka hor tagga weerarada badan ee argagixisada ee dalkaas ka dhaca.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, ayuu David Harison Oluoch oo ahaa wariye ka tirsan Raadiyaha Citizen, ku sheegay in hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aaadan Barre Ducaale, Abuukaate Cabdinaasir Cabdullahi, Senotor-ka Gaarisa Yusuf Xaaji in laga eryo dalkaas.

“Si loo dhammeeyo argagixisada Kenya, dhammaan Soomaalida oo ay ku jiraan Cabdinaasir Cabdullahi, Yuusuf Xaaji, Aamina Maxamed iyo Aadan Ducaale waa in laga eryo Kenya oo ay ku laabtaan dhulkooda hooyo, Soomaaliya si ay uga gacan uga geystaan horumarinta dalkaas dagaalada halakeeyeen,” ayuu qoray.

Isaga oo muujinaya aragtidiisa, Oluoch waxa uu weydiin ka keenay in aan wali Ducaale aysan hay’ada ammaanka aysan kula xisaabtamin weerarkii Jaamacadda Gaarisa kaddib ballan qaadkiisii ahaa in uu magacaabi doono maal-galiyeyaasha argagixisada dalkaas.

“Muddo ka hor kaddib weerarkii argagixiso ee Jaamacadda Gaarisa, Ducaale waxa uu ballan qaaday in uu magacaabi doono maal-galiyeyaashii weerarka. Sidee ku dhacday in hay’adaha ammaanka ee dowladda aysan wali u dabagalin arrintaas? Dowladda waa in ay joojisaa in ay shaqooyinka sar sare ee dalka siiyo dad noqon kara argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku daray.