Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Sababta Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaan Dalka Lubnaan Uga Mid Noqday Ergeda Rasmiga Somalida Ee Uga Qayb Gashay Shirki Jaamacada Carabta Ee Ka Dhacay Beyruut-Lubnaan

Monday - January 21, 2019


Beyruut: Shirki Jaamacada Carabta ee bishaan January ka dhacay caasimada Beyruut ee cariga Lubnaan loogana hadlaayey arimaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada, waxaa dawlada Somaliya uga qayb galay Wasiirka arimaha dibada mudane Axmed Cawad, waxaase la yaab noqotay oo dhinac fadhiyey xubin ka mida ergada Rasmiga wafdiga dawlada somaliya, kaaso ah xildhibaan reer Lubnaan oo magaciisa lagu sheegay Cadnaan Daraabilsi, kaaso matalaayey qunsuliyada Somalida ee Lubnaan.

Wafuudi Carbeed ee shirka ka soo qayb galay ayaa dhaban hays ku noqotay kuna dawakhday in xildhibaab ka tirsan Mawaadin Lubnaan u ka mid noqdo ergada dawlada somaliya ee wax ka mataleysa shirkaan .. Waxaa la sheegay Mr. Daraabulsi inu yahay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Lubnaan, isla markaana yahay Qusunlka Somaliya u fadhiya dalka Lubnaan, waxaana horay ninkaas qunsul ahaan u magacaabay xiligi hogaanka Somaliya u ahaa Cabdi Qaasim Salaad sanadku marku ahaa 2007