Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Weligaa Dadka Ha Iska Weyneyn Oo Islaweyni-daaduna Wax Ay Tahay Ma Sheegte .. Siyaasi Caana Wasiir Ka Soo Noqday Dalka Holland Oo Bas Wadid Bilaabay

Friday - January 18, 2019


Siyaasi caan ka ah dalka Holand, horeyna u soo noqday Xildhibaan, Wasiir iyo Xeer ilaaliye ayaa ka yaabsaday shacabka dalkiisa ka dib markii uu bilaabay inuu kaxeeyo basaska daweynaha.

Fred teevan ayaa Magaalada uu ku dhashay ee Haarlem ayuu ka shaqeeyaa, balse waxaa aad ula yaabaya dadka soo raaca baska Marka ay arkaan isagoo shirka ka fadhiya baska, iyadoo wargeysyada Waddanka Holland lagu soo daabacay arrintan oo si weyn looga hadal hayo.

Waxaa uu sheegay inuu ka shaqo ka helay shirkadda iska leh basaska, uuna aad ugu faraxsan yahay shaqada cusub ee uu helay, waxaana baska siyaasigan uu caan ka noqday magaalada Haarlem.

Inagoo Somali ah arintan ka duuleyna ayaa su’aasha isweydiinta leh waxay tahay siyaasiyiinta dalkeena xilalka sare ka soo qabtay ma laga yaabaa iney noqdaan darawalo ama wax la mida ka noqdaan bajaajyada ama gaadiidka kale ee dadweynaha si ay shacabkooda ugu khidmeeyaan isla markaana dadkooda u muujiyaan islaweyni la'aan