Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Afka Juqda Gabay Baduna Waa Kacsantahay .. Dhaqaalihi Malaayiinta Iyo Khasnadi Bangiga Dhexe Oo Bahal Ajnabi Xaga Sare Ka Soo Degay Loo Dhiibaayo

Sunday - January 13, 2019


Tan iyo intii xilka u qabtay Madaxweyna Maxamed C/llaahi Farmaajo laba sanadood ka hor wuxuu talada ku yimid kacdoon olole wadaniyad la huwiyey iyo jidki toosna hubiya, isagoo isu muujiyey nin ka horjeeda faragelinta qaawan ee lagu hayo Soomaaliya, dabadeed cajabey cajabey waxaa mar kaliya isbedelay aragtidaasi oo faham guur ku dhacay, kadib markii uu dhacay kiiskii fal nacaska ugu horeeyay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay sarkaalkii ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax), wixii ka danbeeyayna si filan-waa iyo hungo qaawan waxaa meesha ka baxday qodobkii ugu weynaa ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa shaki dhaliyey sida Madaxweyne Farmaajo hiil iyo hooba u abaansaday Itoobiya, waxaana weli la kala caddeyn xiriirka mugdiga badan ku jiro ee Farmaajo la galay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea.

Tallaabooyinka Madaxweyne Farmaajo dowladdiisa ku dhaqaaqday waxaa caddeyn u ah in Soomaalida aanay aamin ku qabin oo ay dooneyso inay dalka u gacan geliso aqoon-yahanno Ajnabi ah ama reer Galbeed ah, waana barbarka kaliya dalku ka ladnaa, laakiin hadda batrool lagu afuufay

Dowladda madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo waxay hada ka hor qandaraas la gashay shirkadda Park Strategies ee uu leeyahay ninka lagu magacaabo Alfonse Marcello D’Amato oo ah qareen iyo siyaasi, horay u soo noqday Senator, waxaa shirkaddiisa malaayiin dhaqaale lagu siiyay si ay galaangal ugu sameyso dowladda Soomaaliya, ugana gado Maamulka Madaxweyne Trump, waxayna arrintaasi dhacday, iyadoo aanu Soomaaliya wax safiir ah u joogin Washington.

Mar kale waxay dowladda Somalia isku dayeysaa in mid ka mida hay’adaha Qaranka oo ah Bankiga Dhexe ay u dhiibto nin Seedaha liqliqa oo Ajnabi ah kana soo jeeda dalka UK, iyadoo aan dadka u sharxin sababta loogu baahday ajnabi ayey haddana dooneysaa in la bedelo sharciga Bankiga Dhexe.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa sidi caadada u ahayd isku dayaya inay arrintan ku riixaan Ra’iisal Wasaaraha, sidii ay hore ugu doodeen inuusan ogeyn dhiibistii Qalbi-dhagax oo noqotay dood dib ugu soo laabatay oo madaxweyne Farmaajo ka dhigtay mid aan waxba kala socon dalka uu madaxweynaha u yahay .. Xuunshaa laga sheegay: Waxaan wax ku garta ama fahma marka dhagax ii dhaafo midna agteyda ku dhaco, midna igu habsado ee aan ku ganac go'o