Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Hal Waliba Geedka Ay Daaqdo Baa Caanaheeda Laga Dhadhamiya .. Cabdiweli Gaas Oo Warbixino Kolba Meel Lagu Dhufanaayo Dhagaha Ugu Shubay Madaxweyne Saciid Deni

Thursday - January 10, 2019


Warar Xuraan ah oo naga soo gaaraya dhinaca Garoowe ayaa xaqiijinaaya in madaxweyne Saciid Deni U markaan durbaba si tuhun ah ugu muuqday inu yahay Nin ka subkeysta Dam-jadiid oo Duni ugu xiran-tahay, isla markaana qaatay talooyinki Cabdiweli Gaas ee ku wajahaneyd xaalada dalka iyo duruufaha taagan ee gaar ahaan ka sare oogatay xiriirki maamul goboleedyada iyo Dawlada Fedaraalka, taaso la tilmaamay in warbixinti dardaaran ee Cabdiweli Gaas u siiyey Saciid Deni ay ahayd mid guud u kaga warbixinaayey xaalada Puntland iyo sidi wada jir maamulada u Raadsan-lahaayeen wixii ka maqan ee kaga maqan Dawlada Fedaraalka iyo isagoo si gaar ahaaneed warbixintiisi tooshka ku ifiyey waxa u ka qabo hogaanka Dawlada Fedaraalka iyo wixii Uurkiisa ku jiray oo u banaanka soo dhigay
 
Waxaa Warku sheegaya in madaxweynaha cusub Puntland Mr. Saciid Deni marki warbixinta la siinaayey ay indhaha Gaas isku qaabilayeen waji furnaan iyo laab fiyoobi dhagaha la isu raaricinaayey isla markaana Mr. Deni markasta madaxa ruxayey oo aad moodaba inu aragtida iyo afkaarta Gaas ku Qanacsanaa.

Cabdiweli Gaas Ayaa hadaladiisi warbixinta ka mid ahayd in xarunta Viila Somaliya aysan oolin hogaamiye leh madax hadal gala iyo cid wax kala furdaamin-karta midna, balse waxa uun lagala kulmo Madaxtooyada ay tahay kaliya ilka cadeyn dhoosha la is tusaayo, isla markaana jacel in xumaan iyo samaan labadaba lagu taageero, waxaa kalo hadalkiisa daradaaran ka mid ahaa in maamulki dawlada fedaraalka ay si adin iyo itaal ah ula wareegeen laba nin oo intaa wax rux-ruxaya si ay wax ugu soo dhacaan arimo ay si gaara u xagaf-sanayaan .. waa Niman ayuu yiri maamul xukumad aysan micnaheeda garaneyn isku qaaday .. Waa niman isla wada saxa, haddana wada qaldan dabadeedna dhan walba u jiireen wax kasta oo jira, waxaa taas ka si daran ayuu yiri wixii wax yiqiinay waa la coloobeen ila ay isku dhex yaaceen, kuwaaso kala ah Riisal Wasaare Kheyre iyo Fahad Yaasin kuwaaso si gaara u sameystay barnaamij waji ku macaash ah oo leh Odayaal la masruufo iyo shakhsiyaad iyaguna ka hawlgala Mediyada oo gar iyo gardaraba taageera barnaamijyada xukumada, waxayna ujeedadu tahay in shacabka la marin habaabiyo iyo ujeedo ah: Haddi Aanan helin waxa aan rabo Irbad Dun galimeyso .. Kheyre Iyo Fahad waxay ku hawlan-yihiin ayuu yiri Tabo ay ku doonayaan in Madaxda gobolada ay ka taliyaan Rag iyaga dhinac walba ugu faruur-xiran si mustaqbalka iyo waqtiga ka haray xulista xildhibaanada Fedaraalka ay si dadban iyagu wax uga soo xulaan, dabadeedna iyaga dib loogu doorto madaxtinimada dalka .. Sheekadooda Waa: Anaga ama duufaanta
 
Cabdiweli Gaas ayaa intaa ku daray oo yiri: xiligi Farmaajo ahaa Raiisal Waasaare federaalka anna aan u ahaa ku xigeen ayaan si fiican xaaladiisa nafsaaniga u bartay, waxaana ku ogaa nin aan is ogeyn meel u maraayo, wax aan maqlin, mana kala garto cadawgiisa iyo nastexiisa oo il kaliya wax ku arka, teeda kale dad kale ayuu hawshiisa ku wareejiya oo kuwaa ayaa wax kasta go'aan ka qaata. mana jirto si aan aniga shakhsiyan wax ugu sheegin ee aragtidiisa waa ka soo reyn weyday, waxaase nasib daro ah ayuu yiri: in maanta u gacanta u galay labadaas Nin oo wax ay xeerinayaan aysan jirin dalkiina lugta ku walaaqaya, taas ayaana keentay in maamuladi gobolada is bahaystaan oo ay xariga goostaan, isla markaana sida ay dhangada nogu karbaashaan baan anagana dhangada u dhufanaa, hasa ahaate ayuu yiri: weli xaaladuhu faraha kama ay bixin oo weli waxay joogta heer la daba-qabankaro

Gabagabadi kulanka labdaas dhinac waxa Cabdiweli Gaas kula taliyey Deni in hadey ka soconeyso xagooda is argtaan Maxamed Farmaajo oo u siiyo talada ugu dhawo ee wax looga qaban-karo qodobada guud ee khilaafka taagan ee ku fadhiya dib u soo celinta xiriirki maamulada iyo dawlada dhexe .. sido kale ayuu warkiisi ku si xusay in iyagana waa Kheyre Iyo Fahad hadey suragasho lala kulmo.