Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sheeko Qalbiga Taabaneysa .. Inta Waalidku Noolyahay Ka Duceyso Oo Ka Raali Gali Qaladki Aad Gashay

Tuesday - January 8, 2019


Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal-qabeen ah .. wiilka wuxuu aad u jeclaa Gawaarida ciyaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.

Aabihii oo ogaa waxa uu jecel-yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib u dhiibay Baakad Xiran- sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quran ah. Intuu xanaaqay ayuu yiri: "Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse Qur'aan ayaad ii quurtay oo kaliya Soo maaha?" Markaas ayuu albaabka ka dagay isagoon hadal kale dhihin.

Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid akhbaar oraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaado si uu waraaqihii u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuu soo baxay, yimid meeshii aabihii dagnaa.

Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu Gurigii aabihii baaro, hagaajiyana waraaqihii aabihii, markaas ayuu galay qolkii khaaska ahaa ee aabihii, wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay Kitaabkii Qur'aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday, saa waxaa hoos yaala bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis aabihii la soo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr bari kadib.

Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii horeba Gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.

Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.

Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee........