Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Soo Dhaweyn Wanaagsan Iyo Ubax Lays Ku Dhiibaayo .. Saciid Cabdullaahi Deni Oo Loo Doortay Madaxweynaha Pintland

Tuesday - January 8, 2019


Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka socotay magaalada Garawe, waxaana wareegii ugu dambeeyay doorashada ku tartamayay labo musharax.

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Saciid Cabdulaahi Dani oo helay 35 cod halka Musharaxa kaalinta labada galay Asad Cismaan Cabdulaahi Diyaano uu isna helay 31-cod..

Doorashada goordhaw ka dhacday magaaada Garawe ayaa aheyd mid xiiso iyo xamaasad gaar ah wadatay, waxaana doorashada isaga haray Musharaxiin horey loo saadaalinayay in ay ku guuleesan donaan.

Saciid Dani waa nin Ganacsade ah sidoo kale dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.

Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Caasimadda dalka ee Muqdisho. Sanaddii 1972-dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho.

1980 ilaa 1984-kii wuxuu Dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986-dii ilaa 1990-kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda Luuqadaha.

1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).

Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay in ka badan 15,000 oo arday.

Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay.

Sannadkii 2017, Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa.