Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sheeko Xariir .. Dhurwaagi Doqon-nimada Iyo Hunguri-xumida Isku Darsaday Oo Dabin Dawaco Ku Dhintay

Thursday - January 3, 2019



Dawaco ayaa beri beryaha ka mid ah Ari fara badan reero meel deggan ka cuni jirtey .. Arigaas oo Riyo iyo idaba lahaa. Maalintii dambe ayay reerihii isu yimaaddeen waxay ka wada arrinsadeen siday Dawacada dhibta badan iskaga dili-lahaayeen.

Dadkii ayaa talo ku gaaray in dabin Dawacada loo dhigo. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigey, Waxaa Dawacadii lagu xirey geed jiridiisa si looga aarsadana waxaa talo lagu gaaray in dab lagu dhex rido. 
Dadkii baa qoryo aad u badan oo xaabo ah u soo gurtay. God aad u weyn oo laga qodey geedkii Dawacada lagu xirey agtiisa ayaa xaabadii laga buuxshey. Markaas baa dadkii xaabadii dab ku huriyey oo isku wargeliyey, “Aynnu isaga tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqono oo Dawacada ku dhex tuurno.”

Dhurwaagi aad u gaajaysan ayaa maqlay cidii Dawacada. Markaas ayuu soo orday oo is yiri: “Aad ka eryatid neefka ay maanta Dawacadu dilootey”. Waraabihii wuxuu u yimi iyadii waa dawacadiye oo geed ku xirxiran .. Intuu yaabay ayuu ku yiri, “Naa Dayo, yaa geedka kugu xirxirey?”
Waxay ku tiri: “Adeerkay ayaa igu xirey.” “ Oo muxuu kuugu xirey?” dhurwaagi ayaa weyddiiyey.

Dayo ayaa ku warcelisey, “Adeerkay aad buu ii jecelyahay. Wuxuu arkay in aan caato ahay, Wuxuu markaa ii qalay Wan weyn oo aad u buuran. Dabkaasna Wankaas ayaa lagu karin-doonaa. Aniguna waan diiddanahay in aan cuno Wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maal-mahan oo dhan ayaan Hilib cunayay, oo waxaan ka cabsanayaa inaan calool-xanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xirey oo khasab damcay in uu igu cunsiiyo. Markaan hilibkii cuni kari waayayna wuu i diley.”

Dhurwaagii ayaa intuu afka aad u kala qabtay, illayn waa wax Hilib iyo Baruur jecele, yiri: “Ihi! ihi! ihi! Xariga ayaan kaa furayaaye, aniga geedka igu xir, si aan hilibkaas u cuno adiguna uga nabadgasho.”

Markii dadkii meeshi Dawacadu ku xirnayd ku soo noqdeen, si ay iyada dabka ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen dhurwaagi oo geedkii ku xiran.

Dadkii ayaa intay ashqaraareen yiri: “War dhurwaa meedey Dawacadii?” Markaas ayuu yiri, “Aniga ayaa xarigii ka furay oo way tagtay.” “Oo maxaad uga furtay?” ayay ku yiraahdeen.

Dhurwaagii wuxuu ku jawaabay: “Waxay Dawacadu i tiri, ‘aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni doono adigu cun." Kolkaas ayay dadkii oo careysan dhurwaagi dabkii ku rideen.

Waxaa la wariyey in Dhurwaagii doqon-nimada iyo hunguri-xumada isku darsaday uu qaabkaas ku dhintey.