Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Albaabada Oo Dhan Ha Iska Xirin Oo Mar Waalba Reebo Waxaad ilaahay La Hortagto Oo Wanaag Ah .. Qiiso Dhex Martay Saxaabi RC Iyo Nin Tuug Ah

Friday - December 28, 2018


Hada ka hor ayaa Nin saxaabi ah RC iyo xaaskiisa oo safar ahaa ayaa waxay la kulmeen Tuugo. Tugadii ayaa ka furatay wax kasto oo ay wateen xitaa raashinkii ay cuni lahaayeen. markii ay raashinka ka qaateenba waxay bilaabeen in ay cunaan, malaha baahi ayaa ku dhaganeed.

Saxaabigii ayaa arkay Madaxi Tugada oo cuntadi wax ka cuneeynin, markaas ayuu Saxaabigii suaalay waxa uusan ula cuneen raashinka tuugada kale .. Madaxi Tuugada baa yiri: waan soomanahay. ninkii saxaabiga ahaa oo yaaban baa yiri: oo adoo Tuug ah maad soomeysaa .

Ninkii Tuugada madaxooda u ahaa ayaa yiri: Albaabaha ilaahay iskama wada xiraayo oo xiriirkeeyga aan ilaahay la leeyahay ma rabo in uu Go'o. Hal Irid xitaa aan reebto laga yaabee in maalin aan ka galo oo laygu danbi dhaafo

Laba sano ka dib ayuu saxaabigii xajka tagay waxuu arkay ninkii barigii Tuugada Madaxooda u ahaa oo xajinaya oo waliba shiikh diinta u go'ay noqday .
Masha alah ninkii halkii irid ayuu ku baxsaday .

Waxaa nahay bini'aadam qaldama oo la hubo in uu danbi galayo, mar walba  Reebo wax aad ilaahay la hortagto oo wanaag ah laga yaabee in ay noqoto waxii lagugu danbi dhaafi lahaa.