Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Shamsooy Hadey Ku Shukaansadaan Musharaxiinta Midkee Ku Gaya .. Taageerayaashi Cabdiweli Gaas Oo Sheegay In Guusha Ay U Jirto Masaafo Yar

Saturday - December 22, 2018



War aan dabool saarneyn diirka laga qaaday oo la soo dusiyey, isla markaana xog Odoros ku jirto oo laga soo xigtay qaar ka mida taageera-yaasha Cabdi-weli Gaas ayaa si runa oo la hubo carabka ugu dhuftay in Cabdiweli Gaas u ugu dambeyn muran li'i iyo si gudoon wacan goolki guusha dhaliyey oo masaafo yar ay u jirto inu mar labaad iyo finaalka soo galo deyrka madaxtooyada Puntland.

Mar Taageera-yaashaas la weydiiyey sida ay ku ogaadeen in Cabdiweli guushi cagta saaray, waxay sheegeen in xildhibaanada Sol Iyo Sanaag u taageera-dooda gacanta ku dhigay, waxaana si gaara loo xusay in xildhibaanada dhulbahante 14 ka mida cood-koodi iyagoo aan gambaneyn ay u ballan qaadeen Cabdiweli Gaas, halka beesha Warsangali 5 xildhibaan oo ka mida ay iyaguna si xarago ah codkooda sinayaan, iyado isla markaa la ogaaday in 10 ka mida xildhibaanada Majeerteen ay codkooda siin-doonaan Cabdiweli Gaas, waxaa kalo la isla tibaaxaya in xildhibaanada beelaha Leelkase iyo Ortable ayaa iyaguna la saadaalinaaya iney codkooda ku biirin-doonaan Cabdi weli Gaas.

Sida xanta jirta iyo warka Cabdiweli ee la wad-wado, ayaa sheegaya inu markaan u muuqdo nin xariga goostay oo musharaxiinta kale indhahooda oo shana kala waraabiyey, wuxuuna ku jiraa xaalad u isu arko inu yahay hal-doorki dheemanka ah iyo waraabshaha arlada Puntland oo hogaamintiisa muhim u tahay oo haddi u tago ay wax badan oo qabya ah beylah-mayaan, sidaa daraadeedna u sheego inu ka dhaga la'yahay dabin walba loo dhigo iyo meelaha laga buq-buuqayo .

Dhinaca kale Musharaxiinta Puntland oo dhankooda ka guntaday ayaa saluugsan Riwaayada siyaasadeed iyo hawlgalka u Cabdweli Gaas Suudka u gashaday ee ah in wax aan la isku ogeyn sharci daro ah hoos ka unkamo iyo sida odayaasha dhaqanka uga dhaadhicinaayo in farsamada soo xulida xildhibaanada xagiisa loo xagliyo, taasna waa Waraabe hilib ku raro, oo wixiisa ansax ma aha ayey yiraahdeen, balse waxay ahayd badalka taas inu ka door bido si hufan cadaalad ku dhisan iyo xan la'aan wax u maamulo, hasa ahaate waxay Musharaxiintaas hadalkoodi ku soo gaabiyeen: Dhidarka Iyo Jiir-kaba In kastay wax dabayaan amase maleegayaan ha la ogaado in Aar dul yuuraro