Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Basaaski U Shaqo Tagi Jiray Inu Laayo Raga Falastin Ee Maxamed Daxlaan Oo Qorta La Jabiyey Kadib Marku Diiday In Dhusha Saarto Dilki Khashoogi

Tuesday - December 4, 2018



Warar warbaahinta Turkiga ay daboolka ka qaaday iyadoo soo xigtay xog kashiftay sababta qoorta looga jabiyey basaaska weyn ee loo adeegsado khaarijinta falastii-nyinta ee magaciisu yahay Maxamed Daxlaan, kaaso sida la sheego qayb weyn ka ah dilalka lagu sameeyo carabt falastiniyiinta.

Warka ayaa sheegaaya in Mr. Koshaner oo qaba gabadha Trumo u talo ku siiyey Maxamed Bin Salmaan in kiiska dilki Khashoogi lagu sameeyo been la miisay iyo dhalaan-habaabis oo dusha loo saaro Maxamed Daxlaan ee caada-qaataha ah, lagana dhaadhiciyo in isagu qirto inu shirqolkaas ka dambeeyey.
 
Ugu Dambeysti fikirkaas waxaa loola yimi Maxamed daxlaan oo lagu yiri: Oday xaniyaha la is haysta ee si dhaxal sugaha looga badbaadiyo kiiska dilka Khashogi adigu qiro, laakiin Maxamed Daxlaan oo saluugay su'aalo u dib u weydiiyey Maxamed Bin salmaan iyo ina Shiikh Zaid ayuu ku qanci-waayey, taaso keentay inu yiraahdo: arintaa sida muuqata siinaha uma badbaadi-karo, sidaa daradeed ma gali-karo. 
Warku wuxuu intaa raaciyey in labada amiir ay arintaa ka xumaadeen oo khidadi ay wateen candhuuf-toodi dib u liqeen, waxaana markii dambe la sheegay in Maxamed Daxlaan ay weerareen kooxo aan haybtooda la garaneyn oo markiiba qoorta kala jabiyey, waxayna uga tageen Mayd .. warka ayaa ku daray inu hadda isbitaal dubey ku yaal ku bilqanyahay oo cid u gali-karta aysan jirin