Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waaga Beryaa Yaa Wadani .. Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Sadex Qodob Musuq Maasuqa Ah Ka Diiday Farmaajo Iyo Kheyre

Monday - December 3, 2018


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal oo tani iyo markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay kulamo gaar gaar ah la yeelanaayay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Labadiisa kuxigeen ayaa kulamada qaar la isku fahmi waayay.

Kulamada qaar oo qaatay saacado badan ayaa kii ugu dambeeyay ee la isku fahmi waayay waxaa ahaa mid xalay si gaar ah u dhex maray Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaaraha iyo Kusimaha Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin

Waxaa soo if-baxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin kuwaaso oo ka mida:

1- In Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharax-nimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

illa iyo hadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii guddoomiyaha Baarlamaanka uu uga tanasuli lahaa qodobada uu ku dhegan yahay