Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Riwaayadaha Siyaasadeysan Ee Is Ku Dhaca Qoomiyadaha Somalida Iyo Oromada .. Laba Boqol Kun Qof Oo ka Qaxay Dawlad Degaanka Somalida Itoobiya

Tuesday - November 20, 2018


Ha’yadda NRC ayaa war kasoo saartay dadkii ku barakacay dagaalladii ugu dambeeyay ee dhexmaray Soomaalida iyo Oromadda ee ka dhacay degaano dhowr ah oo ku yaalla dowlad degaanada Oromadda iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Hay’adda NRC waxay sheegtay in ka badan 200,000 qof ay ka barakaceen dagaallada qowmiyadaha u dhexeeya ee ka dhacay dalka Itoobiya, dadkan ayaa u qaxay Dowlad Degaanka Soomaalida tan iyo bishii July.

NRC waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan dadka ka qaxay sannadihii ugu dambeeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ay ka badan yihiin 700,000 qof.

“Dagallaada qowmiyadaha ee ka taagan xadka u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ayaa ku khasbay qoysaska inay buux dhaafiyaan xeryaha barkacayaasha, xeryaha qaxootiga waxaa ka howlgalaa shaqaale gargaar oo ay tiradoodu yartahay, qoysas badan ayaa maalin kasta soo barakacaa” ayuu yiri la taliyaha ha’yadda NRC ee xaaladaha gobolka,Evelyn Aero.

Wuxuu intaasi ku daray in odeyaasha deegaanka ay u sheegeen in wax gargaar ah aysan haysanin isla markaasna dadka ay u geeriyoonayaan caawimaad la’aan.

Wuxuu ka codsaday ha’ayadaha gargaarka inay isha ku hayaan xaaladda isla markaasna gargaar ay gaarsiiyaan dadkan soo barakacay sii loo badbaadiyo nolosha.